Waa Kuma Xiddiga Barcelona Doonaysay Inay Iibiso Ee Ku Qasbaya In BILAASH Lagu Fasaxo?

Advertisements

Barcelona oo badi bartilmaameedyadii muhiimka u ahaa suuqa ka heshay ayaa haatan ka shaqaynaysa sidii ay safkeeda ku yarayn lahayd iyadoo meesha ka saaraysa xiddigaha aan qorshaha tababare Xavi Hernandez ku jirin.

28 sano jirkaas ayaa kooxda Lyon si xor ah ugaga soo biiray xagaagii hore waxaana uu xilli ciyaareedkii dhammaaday ahaa gool dhaliyaha ugu sarreeyay Barca kaddib 13 gool oo uu 38 gool kusoo dhaliyay.

Advertisements

Si kastaba, wargeyska Mundo Deprortivo ayaa sheegaya in Depay uu aqbalay inuusan wax mustaqbal ah ku lahayn Camp Nou kaddib saxeexyada culus ee ay kooxdu xagaagan samaysay.

Xavi ayaa Barcelona ilaa haatan shan saxeex kusoo kordhiyay, laba kamid ah ayaa ah weerarka oo sii yaraynaya fursadii uu marka horeba haystay Depay ee koobnayd.

Advertisements

Robert Lewandowski ayaa la filayaa inuu noqdo hoggaamiyaha weerarka Blaugrana halka Raphinha oo Leeds United kaga yimid garabka soo fuuli doono.

Saxafi Fabrizio Romano ayaa qoraal ku sheegay in Barcelona ay haatan wadahadalo kula jirto wakiilka Memphis iyagoo ka wada hadlaya in ciyaaryahanka heshiiskiisa laga fasaxo oo bilaash laga dhigo si uu kooxda uu doono ugu biiri karo.

Depay ayaa ku cadaadinaya Barcelona in heshiiskiisa la kansalo marba haddii ay kooxdu ku qasabtay inuu baxo oo uusan qorshaheeda ku jirin.

Memphis ayuu Romano sheegayaa inuu dhagaysan doono dalabaadka kaliya kooxaha waaweyn, kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa ah mida inta ugu badan lagu xamanayo.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada