Waa Kuma Xiddiga Ay Jamaahiirta Barcelona Ku Ducaysanayeen Inuu Baxo Ee Ay Saxeexiisa Newcastle Doonayso?

Kooxda Newcastle United ayaa kaddib markii dhawaan ay la wareegeen mulkiyadeeda Bilyaneero reer Sacuudi ahi u muuqata mid kooxaha waaweyn ee Yurub wax la qaybsan doonta, marka laga yimaado inay saxeexyada kula tartami doonto ayay sidoo kale xiddigo ay iib u raadinayeen ka iibsan kartaa.

Warar cusub ayaa sheegaya in Newcastle ay bar-tilmaameed ka dhiganayso saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Clement Lenglet oo ah ciyaaryahan aan taageero fiican ka haysan jamaahiirta kooxdaas.

Image

Sida uu sheegayo wargeyska Sport, kooxda ka ciyaarta gobolka Tyneside ayaa kamida kooxaha xiisaynaya Lenglet. Daafaca French-ka ayaan u muuqan mid wax fursad ah oo badan heli doona maadaama oo ay daafaca dhexe kaga horreeyaan Gerard Pique, Eric Garcia iyo Ronald Araujo.

Marka laga yimaado xogta laga helayo wargeyska AS, Newcastle ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Burnley ee James Tarkowski kaas oo qiimo jaban lagu heli karo bisha January isla markaana khibrad weyn u leh horyaalka Premier League.

Intaas waxa dheer in wali su’aali ka taagan tahay cida noqon doonta tababaraha kooxda, macalinka haatan ee Steve Bruce ayaa bixiyay tababarkii shalay balse lama hubo haddii uu kooxda laylin doono kulanka Tottenham ay la ciyaarayaan toddobaadka dambe.

Tababarayaasha lala xidhiidhinayo kursiga gegida St James’ Park ayaa laga magacaabi karaa Frank Lampard, Steven Gerrard, Lucian Favre iyo Antonio Conte.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA