Waa Kuma Tababaraha Ka Dhaartay Shaqada Newcastle United Ee Sugaya Inuu Pep Guardiola Ka Dhaxlo Man City?

Waxa sii kordhaya liiska tababarayaasha lala xidhiidhinayo shaqada kooxda Newcastle United oo la filayo in maalmaha soo socda laga fasaxo tababare Steve Bruce kaddib markii kooxda ay la wareegeen koox uu hormood u yahay dhaxal sugaha Sacuudiga ee Mohamed Bin Salman.

Tababaraha haatan loo arkayay bar-tilmaameedkooda koowaad balse la sheegay inuusan doonayn shaqada kooxdaas ayaa ah Brendan Rodgers oo haatan ku sugan Leicester City.

Image

Rodgers ayay wararku sheegayaan inuu xiisaynayo shaqada Manchester City ee uu hadda Pep Guardiola haysto. ilo-wareedyada qaar ayaa xusaya inuu kusoo bixi doono liiska tababarayaasha Pep ka bedelaya Etihad Stadium dhammaadka xilli ciyaareedka dambe.

Rodgers ayaa ah mid ay xiiseeyaan shaqsiyaad kamida maamulka Etihad Stadium waxaana sanadkii 2013 laga wada hadlay fursada uu ku bedeli karo Roberto Mancini.

Si lamid ah tababarayaal kale, Rodgers magaciisa ayaa ahaa mid ay toddobaadkii hore soo hadal qaadeen mulkiilayaasha cusub ee Magpies.

Tababaraha u dhashay Northern Ireland ayaa xilli ciyaareedkii hore FA Cup kula soo guuleystay Foxes balse wargeyska Sportsmail ayaa sheegaya inuusan ku qanacsanayn go’aamada iyo hanaanka ciyaartoyda kooxda loo keeno.

Manchester City ayaa dhinaceeda durba kasii fikiraysa tababaraha bedeli doona Guardiola oo qorshaynaya inuu kooxda iskaga tago xagaaga 2023 marka heshiiskiisa haatan dhaco.

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA