Waa Kan Xiddiga Ay Man United Qiimaha Jaban Kaga Iibin Karto Newcasle United Suuqa Bisha January

Man United

Kooxda Manchester United ayaa noqon karta mid dhigeeda Newcastle United oo dhawaan noqotay kooxda ugu qanisan dunida u fududayn karta saxeexeeda ugu horreeya suuqa bisha January.

Man United ayaa ddiyaar la ah inay qiime jaban siiso khadkeeda dhexe ee Jesse Lingard bisha January kahor inta uusan heshiiskiisa kooxdu dhicin xagaaga dambe ee 2022.

Image

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Man United ay lacag 15 Milyan oo pound ah ku iibin karto Lingard oo qudhiisu doonaya inuu koox bedelasho sameeyo, Newcastle ayaa si sahlan qiimahaas ku bixin karta haatan.

Waxa laga warsugi doonaa haddiiba ay Newcastle bilaabi doonto inay kooxdeeda dib u dhiska ku bilawdo bisha January iyo haddiiba ay mulkiilayaasheeda cusubi sugi doonaan ilaa xagaaga 2022.

Waxa macquul ah inaysan wax dhaq-dhaqaaq ah samayn doonin inta ay tababare cusub magacaabayaan, Frank Lampard iyo Lucian Favre oo laga kala caydhiyay kooxaha Chelsea iyo Borussia Dortmund ayaa lala xidhiidhinayaa.

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA