WAA IIB: Xavi Oo Suuqa January Iibinaya Xiddigii La Filayay Inuu Dhibaatada Ka Saari Doono

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ah mid qaadanaya go’aano uu isbedelo ugu samaynayo kooxdiisa kahor suuqa bisha January ee aan fogayn.

Hernandez ayay warar cusubi sheegayaan inuu go’aansaday inuu suuqa qaboobaha iibiyo khadka dhexe Riqui Puig oo ahaa ciyaaryahan la filayay inuu dhibaatada ka saari doono oo uu wakhti ciyaareed badan siin doono.

Advertisements

Puig oo 22 sano jir ah ayaa dhibane usoo ahaa tababarayaashii hore ee Barcelona oo uu kamid ahaa Ronald Koeman oo marar badan si cad u muujiyay inuusan ku qanacsanayn balse dhibka khadkaas dhexe ayaa u muuqda hadda mid tababarayaal badani ka siman yihiin.

Puig ayaa suuqii xagaaga ee sanadkan lala xidhiidhinayay inuu bixi doono balse waxa uu ahaa mid ay ka go’antahay inuu rumeeyo riyadiisa Camp Nou isaga oo baaqday.

Advertisements

Si lamid ah dhammaan xiddigaha kale ee Barca, Puig ayaa helay fursad uu ugu yaraan xerad tababarka ugu qanciyo Xavi balse uma muuqdo mid ka faa’idaystay.

Sida uu haatan sheegayo il-wareedka Transfer Exchange Show, Xavi ayaa diyaar u ah iibinta Puig suuqa January, markii uu Koeman joogay ayuu Puig ahaa mid rajo qabay maadaama Koeman la filayay inuusan mudo dheer kooxda ku waarin balse diidmada kaga imanaysa Xavi oo la filayo inuu wakhti dheer joogo ayaa qalbi jab ku noqonaysa.

Advertisements

Image

2 Fekradood

  1. Riqui Puig hala iibiyo aad buu u gaabiyaa orodka waana wax aan Anfacayn Barcelona haduu jidh ahaan laf lahaan lahaa waa la qaadan lahaa lkn jidh iyo orod la’aan koox wayn ka shaqeyn mayso xavi laftiisu orod badan muu lahayn laakiin maamul kubadeed buu lahaa oo ay Adkayd in kubada cagtiisa ku jirta laga qaado lkn yarkani baas mooyee malaha dhaqaaq kale taasna hada Barcelona uma baahna nico gonzalez baa kun jeer ka fiican

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada