Vinicius Junior Oo Lagu Daray Liiska 30ka Ciyaartoy Ee Dhif Iyo Naadirka Ah Ee Ay Ku Jiraan Ronaldo, Messi Iyo Thierry Henryi

Advertisements

Xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa bandhiggisii ugu fiicnaa dhinaca goolasha sameeyey ciyaartii ay Real Madrid 6-0 ku xasuuqday Levante toddobaadkii hore, waxaana saddexley uu dhaliyey iyo gool uu ka caawiyey Karim Benzema ay sabab u noqdeen in lagu daro liis ay ku qoran yihiin ciyaarrtooyo dhif iyo naadir ah oo soo maray kubadda cagta.

Vinicius Junior ayaa xilli ciyaareedkan ahaa mid aan la joojin karayn oo khatar badan ku ahaa kooxaha uu ka hor-tegay, iyadoo ka sokow goolashiisa uu si fudud orodkiisa iyo goysmadiisa ugu burburiyo difaacyahannada.

Advertisements
Laacibkan hore ee Flamengo ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan 2021/22 uu dhaliyey 21 gool iyo 20 kale oo uu caawiye ka noqday oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu tiradaas ku gaadhay isaga oo ay da’diisu tahay 20 jir.

Marka la isku-geeyo goolasha uu dhaliyey iyo kuwa uu caawiyey, waxay isku noqonayaan 31 gool oo uu isagu ka caawiyey Real Madrid, waxaanay taasi keentay in lagu daro liiska 30 ciyaartoy oo ay ku jiraan Thierry Henry, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo soo maray shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub.

30 ciyaartoy oo kaliya ayaa taariikhda horyaallada LaLiga, Premier League, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 awood u yeeshay inay min 20 gool iyo ka badan dhaliyaan, sidoo kalena 20 gool caawiyaan hal xilli-ciyaareed gudaihii, waxaana liiskan isku qoray Vinicius Junior.

Advertisements

Halkan kaga bogo 30 ciyaartoy ee dhaliyey 20 gool 20 kalena caawiyey shanta horyaal ee waaweyn hal xilli-ciyaareed gudihii

Thierry Henry (Arsenal, 2002/03) – 32  gool ayuu dhaliyey, 28  gool ayuu caawiyey

Ronaldinho (Barcelona, 2005/06) – 26  gool ayuu dhaliyey, 24  gool ayuu caawiyey

Cristiano Ronaldo (Man Utd, 2006/07) – 23  gool ayuu dhaliyey, 22  gool ayuu caawiyey

Frank Lampard (Chelsea, 2006/07) – 21  gool ayuu dhaliyey, 21  gool ayuu caawiyey

Frank Lampard (Chelsea, 2008/09) – 20  gool ayuu dhaliyey, 21  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2010/11) – 53  gool ayuu dhaliyey, 27  gool ayuu caawiyey

Nene (Paris Saint-Germain, 2010/11) – 20  gool ayuu dhaliyey, 23  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2011/12) – 72  gool ayuu dhaliyey, 31  gool ayuu caawiyey

Eden Hazard (Lille, 2011/12) – 22  gool ayuu dhaliyey, 22  gool ayuu caawiyey

Karim Benzema (Real Madrid, 2012/13) – 20  gool ayuu dhaliyey, 21  gool ayuu caawiyey

Marco Reus (Borussia Dortmund, 2013/14) – 23  gool ayuu dhaliyey, 22  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2014/15) – 58  gool ayuu dhaliyey, 30  gool ayuu caawiyey

Cristiano Ronaldo (Real Madrid, 2014/15) – 59  gool ayuu dhaliyey, 23  gool ayuu caawiyey

Luis Suarez (Barcelona, 2014/15) – 24  gool ayuu dhaliyey, 23  gool ayuu caawiyey

Luis Suarez (Barcelona, 2015/16) – 58  gool ayuu dhaliyey, 23  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2015/16) – 39  gool ayuu dhaliyey, 23  gool ayuu caawiyey

Neymar (Barcelona, 2015/16) – 31  gool ayuu dhaliyey, 25  gool ayuu caawiyey

Henrikh Mkhitaryan (Borussia Dortmund) – 23  gool ayuu dhaliyey, 32  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2016/17) – 54  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey

Luis Suarez (Barcelona, 2016/17) – 36  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey

Neymar (Barcelona, 2016/17) – 20  gool ayuu dhaliyey, 26  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2017/18) – 45  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey

Luis Suarez (Barcelona, 2017/18) – 31  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2018/19) – 51  gool ayuu dhaliyey, 22  gool ayuu caawiyey

Lionel Messi (Barcelona, 2019/20) – 31  gool ayuu dhaliyey, 27  gool ayuu caawiyey

Bruno Fernandes (Man Utd, 2019/20) – 27  gool ayuu dhaliyey, 22  gool ayuu caawiyey

Jadon Sancho (Borussia Dortmund, 2019/20) – 20  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey

Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain, 2021/22) – 35  gool ayuu dhaliyey, 24  gool ayuu caawiyey*

Christopher Nkunku (RB Leipzig, 2021/22) – 34  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey*

Vinicius Junior (Real Madrid, 2021/22) – 21  gool ayuu dhaliyey, 20  gool ayuu caawiyey*

XASUUSIN: Ciyaartoyda ay hortooda taallo calaamadda (*) way kasii kordhin karaan tiradooda maadaama uu wali xilli-ciyaareedku socdo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada