Van Dijk Oo Magacaabay Shantii Daafac Ee Abid Ugu Fiicneyd Premier League & Ferdinand Oo Isna Liiskiisa Soo Saaray

Advertisements

Marka laga hadlayo farshaxanka kubad difaacashada, ma jiro waqti xaadirkaan ka fiican daafaca Liverpool Virgil van Dijk.

Si kastaba, su’aashu waxay tahay miyuu ka mid noqan karaa daafacyadii ugu fiicnaa abid ee soo mara kubada cagta? Wada sheekeysi uu dhawaan la yeeshay Rio Ferdinand oo u shaqeeya BT Sport, Van Dijk ayaa fursad u helay inuu magacaabo shanta daafac ee abid ugu fiicnaa waayaha Premier League.

Advertisements

Ferdinand oo isaguba ka mid ah daafacyadii ugu fiicnaa ee abid Premier League ka ciyaara ayaa isna soo xushay shantiisa daafac ee ugu waa weyn.

Xulashada Virgil van Dijk

1 Rio Ferdinand
2 Vincent Kompany
3 Jaap Stam
4 John Terry
5 Sammy Hyypia

Advertisements

Wuxuu shantiisa daafac ee abid ugu fiicnaa Premier League ku soo daray Ferdinand iyo Terry oo ah halyeeyada Premier League, halka uu sidoo kale magacaabay Vincent Kompany oo lagu tilmaami karo xiddigii ugu fiicnaa abid ee Man City.

Daaficii Holland Jaap Stam oo geesi ka ah Man United ayuu liiskiisa ku soo darsaday halka uu taageerayaashiisa Liverpool ku qanciyay inuu soo xushay halyeeygii Liverpool Sammy Hyypia.

Isaguba iskuma soo darin liiska shanta daafac ee ugu fiicnaa abid Premier League, laakiin waxaa fursadaas ka faa’ideystay Ferdinand.

Xulashada Rio Ferdinand

1 Rio Ferdinand
2 Nemanja Vidic
3 Virgil van Dijk
4 Jaap Stam
5 John Terry

Ferdinand laguma caayi karo inuu isagu iska bilaabay liiska madaama la ogsoon yahay wacdarihii u dhigi jiray Man United. Wuxuu liiska Van Dijk ka bedelay Hyypia iyo Kompany isagoo ku bedelay Van Dijk iyo saaxiibkiisii Man United Nemanja Vidic.

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada