UEFA Oo Si Kulul Uga Hadashay Cabashada Real Madrid & La Liga Ee Ku Saabsan Heshiiska Kylian Mbappe Ee PSG

Advertisements

Uefa looma sheegi doono waxa ay tahay inay sameyso ka dib eedeymihii ka dhashay qandaraas kordhinta Kylian Mbappe ee Paris Saint-Germain, sidaasi waxaa yiri madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin.

Weeraryahanka Faransiiska Mbappe ayaa saxiixay qandaraas qaali ah oo uu ku sii joogayo PSG isagoo iska diiday Real Madrid.

Advertisements

Ka dib markii uu 23 jirkaan go’aansaday inuu sii joogo PSG, maamulka La Liga ayaa ku tilmaamay qandaraaska PSG ee Kylian Mbappe “fadeexad”.

Ceferin ayaa u sheegay BBC Sport in UEFA ay dejisay sharciga dhaqaale wanaaga oo ah mid aad u adag.

Advertisements

“Cidii ixtiraamta sharciyadeena waan ku soo dhaweyneynaa inay ka ciyaaraan tartamadeena, cidii ixtiraami weysa sharciyadeena kama ciyaari karaan tartamadeena” ayuu yiri Ceferin.

“Eeg Real madrid ama cid kale uma sheegi karto UEFA waxa ay tahay inay sameyso. Waan ogahay inay careysan yihiin lakiin dalabkooduba wuxuu la mid ahaa midka ay PSG u bandhigtay Mbappe.”

Sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub ee FFP ayaa loogu talogalay inaysan kooxuhu qarashgareynin lacag ka badan inta soo gasha muddo seddex sannadood gudaheed.

Javier Tebas oo ah madaxweynaha La Liga ayaa ku tilmaamay qandaraaska ay PSG ka saxiixday Mbappe mid aflagaado ku ah kubada cagta, isagoo Twitter ku soo qoray xisaabo muujinaya qasaaraha PSG ee xilli ciyaareedyadii ugu danbeeyay taasoo lidi ku ah sharciga FFP.

PSG waxaa iska leh shirkada Qatar Sports Inverstments oo hoos tagta Qatar Investment Authority(QIA) oo ay iska leedahay dowlada Qatar.

Ceferin oo madaxweyne ka ah UEFA tan iyo 2016kii ayaa sheegay inuu ka daalay cabashada ku saabsan in dowlado ay noqdaan milkiilayaal kooxeed.

“Marar badan ayaan sheegay, waana ku celinayaa ii sheeg hal dood oo ku saabsan sababta aysan dowladuhu u noqon karin milkiilayaal kooxeed” ayuu yiri Cefrin.

“Haddii ay doodaadu tahay kooxaha waxaa iska leh taageerayaasha, miyaad ilowsan tahay in kooxaha Ingariiska ay milkiilayaal leeyihiin – waxay leeyihiin milkiilayaal Mareykan, qaar waxay leeyihiin milkiilayaal Bariga Dhexe ah, waxay leeyihiin milkiilayaal Ingariis ah. Sidaasi darteed waa xaalad isku mid ah, xaqiiqdiina waan ka daalay eedeymaha aan salka laheyn.

“Waxaan doonayaa inaan ogaado cida sharciyada jabisay, haddii aad sharciga jabiso markaas waa lagu ciqaabayaa.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada