Tottenham Oo Xasuuq Ku Furatay Xilli Ciyaareedka Iyo Dhoolatuskii Soo Laabashada Ee Antonio Conte

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa guul weyn oo soo laabasho ah ka gaadhay Southampton oo gool kala homratay, xilli ay afar ciyaartoy oo Spurs ahi min hal gool dhaliyaan, isla markaana Antonio Conte uu diray farriin culus oo uu ku cabsi-gelinayo naadiyada kale ee horyaalka Premier League.

Southampton oo marti ku ahayd Tottenham Hotspur Stadium ayaa gool uu u dhaliyey James Ward-Prowse la timid daqiiqaddii 12aad ee bilowga ciyaarta, markaas oo uu kubbad fooli ah ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Hugo Lloris.

Advertisements

Wiilasha tababare Antonio Conte ayaa sameeyey jawaab culus oo aan waqti badan qaadanin, waxaay isku xigsiiyeen laba gool oo madax ah oo qaybta hore ba ay hoggaanka kula nasteen.

Ryan Sessegnon ayaa kubbad uu meel fog kasoo tuuray Dejan Kulusevski ku keenay goolka barbarraha ee Tottenham, waxaana uu laacibka reer England uu goolkaas keenay daqiiqaddii 21aad hase yeeshee Eric Dier ayaa toban daqiiqadood kaddib saxeexay gool labaad oo madax ahaa oo kubbad joog hoose ku socota isku tuuray, shabaqana u weydaariyey goolhaye Gavin Bazunu.

Advertisements

Tottenham ayaa halkeeda kasii wadatay bandhigga cajiibka ahaa ee ay samaynaysay, waxaanay qaybta hore ku dhamaysteen iyagoo helay fursado badan oo ay goolal u beddeli karayeen, gaar ahaan Heung-min Son oo nasiibku diiday halka Harry Kane uu isaguna helay fursado uu caqli u isticmaalay oo aanu shabaqa gaadhsiinin.

Ciyaartan oo uu ganaax kaga maqnaa saxeexa cusub ee Tottenham ee Richarlison ayaa waxa qaybtii labaad halkeeda kasii socotay goolasha Tottenham ee daadka ahaa, waxaanay la yimaaddeen laba ay midkood ku qasbeen in Southampton ay khalkhal darteed shabaqeeda ku leexiso.

Kubbad dhinaca midig uu kasoo dhigay difaaca reer Brazil ee Emerson Royal ayaa waxa isku qabtay Mohammed Salisu oo iska dhaliyey waxaanay Spurs sidaas ku xaqiijisatay guul gacantooda ku jirta iyo inay gaadheen heer aan laga daba iman karaynin.

Laba daqiiqadood kaddib goolka uu Mohammed Salisu iska dhaliyey, Southampton ayaa aragtay kubbad kale oo shabaqooda dhex taalla iyo ciyaartoyda Tottenham oo u dabbaal-degaya gool afraad.

Kulusevski oo la qaban kari la’aa ayaa goolka afraad ee Tottenham saxeexay, hase yeeshee waxay u qalmayeen in ay goolal intaas ka  badan la yimaaddaan oo ay rikoodhka goolashooda sii badiyaan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada