TOP 50: Kontonka Kooxood Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo Lasoo Saaray, Real Madrid Oo Loo Diiday Kaalmaha Sare & Ingiriiska Oo Is-muujiyey

Advertisements

Toddobaadyo kaddib markii lasoo gabogabeeyey horyaallada kala duwan ee xilli-ciyaareedkii 2021-22, waxa la sameeyey qiimaynta kooxihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii tegay, kuwaas oo safka hore  ay kaga jiraan naadiyada Ingiriisku.

Real Madrid oo ku guuleysatay tartanka Champions League ayaa kaalinta saddexaad ku jirta, waxaanay soo samaysay sare u kac weyn marka loo eego heerkii ay sannadkii hore ku jirtay waqtigan oo kale, laakiin marka la eego guulaha ay gaadhay waxay taageereyaashu filanayeen inay ka sarrayn karto booska saddexaad.

Advertisements

Liverpool iyo Manchester City oo si weyn ugu dagaallamay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay, ayaa ku jira kaalmaha sare, waxaana booska koowaad looga tanaasulay Liverpool oo ku guuleysatay FA Cup iyo Carabao Cup, sidoo kalena finalkii Champions League ay Real Madrid ku garaacday, halka  Man City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League ay kaalinta labaad fadhido.

Inkasta oo guul-darro 1-0 ah ay Real Madrid u xambaarisay finalkii Champions League ee Sabtidii lagu ciyaaray magaalada Paris, haddana kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaar heersare ah muujisay, waana sababta ay kaalinta koowaad usoo gashay.

Advertisements

Qiimaynta 50ka  kooxood ee ugu wanaagsan dunida waqtigan oo ay samaysay ClubElo, waxa ku jira 14 kooxood oo horyaalka Premier League ah, waana horyaalka kooxaha ugu badan ay kaga jiraan liiskan.

Kooxda tobanka jeer ee isku xigta ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich ayaa kaalinta afraad kaga jirta liiska kooxaha ugu wanaagsan, waxaana ku xiga Chelsea iyo Ajax, halka Barcelona, Atletico Madrid, Tottenham iyo Inter Milan ay dhamaystireen tobanka boos ee ugu sarreeya.

Waxa kaalinta 11aad u dhacday Paris Saint-Germain oo ku guuleysatay horyaalka  Ligue 1, laakiin si niyad-jab ah wareeggii 16ka ugaga hadhay Champions League kaddib markii ay Real Madrid guul soo laabasho ah kaga gaadhay Santiago Bernabey.

Advertisements

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan dunida waqtigan:

50. Borussia Monchengladbach

49. Brentford

48. Rangers

47. Freiburg

46. Marseille

45. Rennes

44. Lazio

43. Wolverhampton Wanderers

42. Feyenoord

41. Union Berlin

40. Atalanta

39. Eintracht Frankfurt

38. Lyon

37. Athletic Bilbao

36. Aston Villa

35. AS Monaco

34. Crystal Palace

33. AS Roma

32. Real Sociedad

31. Newcastle United

30. Brighton & Hove Albion

29. PSV Eindhoven

28. Benfica

27. Red Bull Salzburg

26. Sporting CP

25. Real Betis

24. Leicester City

23. West Ham United

22. Juventus

21. Bayer Leverkusen

20. Borussia Dortmund

19. Napoli

18. Manchester United

17. RB Leipzig

16. Sevilla

15. FC Porto

14. AC Milan

13. Villarreal

12. Arsenal

11. Paris Saint-Germain

10. Inter Milan

9. Tottenham Hotspur

8. Atletico Madrid

7. Barcelona

6. Ajax

5. Chelsea

4. Bayern Munich

3. Real Madrid

2. Manchester City

1. Liverpool

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada