1990-meeyadii waxa kubadda cagta soo maray da’dii dahabka ahayd. Waxay ahayd waqtigii ay garoomada isku soo gaadheen xiddigihii ugu waaweynaa ee ay adkayd in lagu kala saaro qiimaynta iyo bandhiggooda garoomada. Waxay kooxaha waaweyni ku hubaysnaayeen ciyaartooyo kala doorashadoodu ku adkayd tababareyaasha, taas oo marar badan dhibaatooyin ku keeni jirtay qolka labbiska.
Xiddigihii ugu fiicnaa kubadda cagta ayay intooda badan soo baxeen dhamaadka qarnigii 20aad ama 1990-meeyadii, halka ay sidoo kale jireen kuwo waaweyn oo kale oo iyaguna ka baxay garoomada waxyar ka hor intii aanay tobankaa sannadood curanin.
Dood badan ayaa ka abuuranta qiimaynta ciyaartoydii ugu fiicnayd ee dhamaadka qarnigii hore ee 20aad, waxaase doodaas lagu soo afjaray afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta, taas oo natiijadeedu ay haddana abuurayso khilaaf.
Ma rumaysan kartaa in George Weah iyo Roberto Baggio oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or aanay ku jirin liiska 30ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa 1990-meeyadii? Su’aashan ayaa ah midda caddaynaysa in aftidan iyo natiijadeedaba la isku khilaafayo, sababtoo ah waxa liiska xiddigaha ugu fiican lagu soo daray ciyaartooyo aan waligood ku guuleysanin Ballon d’Or.
Aftidan oo ay qaadday shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaaraha ee Ranker, ayaa waxa liiska 30ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa aan kusoo bixin oo laga waayey xiddigaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Alessandro Del Piero, George Weah, Roy Keane, Roberto Baggio, Hristo Stoichkov, Paul Gascoigne, Gabriel Batistuta iyo Marcel Desailly.
Waa kuwan 30ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa 1990-meeyadii ee ay taageereyaashu codka kusoo doorteen
*XASUUSIN: Qiimaynta waxa qayb ka ah muddada ay ciyaartoydani garoomada ku jireen ee ay sida heerka sare ah u ciyaarayeen, waxaanay qayb ka tahay sababaha Baggio iyo Weah ay kaga baxeen liiska.
30. Raul Gonzalez
29. Gianfranco Zola
28. Andriy Shevchenko
27. Oliver Kahn
26. Michael Laudrup
25. Alessandro Nesta
24. Marco van Basten
23. Ruud Gullit
22. Clarence Seedorf
21. Edgar Davids
20. Peter Schmeichel
19. Xavi Hernandez
18. Ryan Giggs
17. Lothar Matthaus
16. Gheorghe Hagi
15. David Beckham
14. Alan Shearer
13. Paolo Maldini
12. Eric Cantona
11. Ruud van Nistelrooy
10. Rivaldo
9. Edwin van der Sar
8. Dennis Bergkamp
7. Luis Figo
6. Cafu
5. Romario
4. Thierry Henry
3. Roberto Carlos
2. Zinedine Zidane
1. Ronaldo
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora