TOP 25: Xiddigihii Ugu Qaalisanaa Horyaalka Premier League, Halka Uu Erling Haaland Ka Galay Iyo Laacibka Aanay Cidina U Dhoweyn

Advertisements

Kaddib markii ay Manchester City shaacisay heshiiska weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo ay kala soo wareegayso Borussia Dortmund xagaagan foodda inagu soo haya, waxa lasoo saaray liiska 25kii ciyaartoy ee ugu qaalisanaa taariikhda Premier  League.

Erling Haaland ayaa qalinka ku duugaya heshiis shan sannadood ah oo uu toddobaadkii ku xoogsanayo lacag mushahar ah oo u dhow £400,000  Gini, waxaanay Man City kasoo bixisay £51 milyan oo Gini oo lagu burburin karayay qandaraaskiisa.

Advertisements

Mishiinka goolasha ayaa 88 ciyaarood oo uu u saftay Borussia Dortmund waxa uu u dhaliyey 85 gool, waana 21 jir wax badan laga filayo oo lagu tilmaamo dhaliyaha ugu wanaagsan waqtigan iyadoo waliba ay da’diisu aad u yar tahay.

Faahfaahin badan lagama hayo lacagaha ay Man City ku bixin doonto dillaalnimada, lacagta xaqal-qalinka ah ee ay laacibkan iyo qoyskiisa siinayso iyo inta uu qaadanayo wakiilkiisu, laakiin dib ayaa la filayaa in laga shaaciyo.

Advertisements

25ka ciyaartoy ee ugu qaalisanaa taariikhda horyaalka Premier League, waxa kaalinta koowaad fadhiya Jack Grealish oo ay Man City sannadkii hore kaga soo iibsatay Aston Villa  lacag gaadhaysa £100 milyan oo Gini, waxaana uu hoggaaminayaa liiska xiddigaha ugu qaalisan taariikhda.

Sagaal ka mid ah 25ka ciyaartoy ee ugu qaalisan taariikhda Premier League, waxa iibsatay Manchester City oo ka faa’iidaysanaysa lacagta badan ee ku jirta qasnadda Sheikh Mansour, halka Manchester United ay lix ciyaartoy ku leedahay liiska, iyadoo Chelsea ay shan laacib kaga jiraan xiddigaha ugu qaalisan taariikhda Premier League.

Liverpool ayaa haysata afar ka mid ah 25kaas ciyaartoy, halka Arsenal ay hal laacib oo kaliya ku leedahay, balse Tottenham ayaa  ka madhan oo aan waxba ku lahayn liiskan, kooxaha kalena haba sheegin.

Waa kuwan 25ka ciyaartoy ee ugu qaalisanaa taariikhda Premier League

1. Jack Grealish (Aston Villa => Man City, 2021) – £100m

2. Romelu Lukaku (Inter Milan => Chelsea, 2021) – £97.5m

3. Paul Pogba ( Juventus => Man Utd, 2016) – £89m

4. Harry Maguire ( Leicester => Man Utd, 2019) – £80m

5. Jadon Sancho (Borussia Dortmund => Man Utd, 2021) – £77m

6. Virgil van Dijk ( Southampton => Liverpool, 2018) – £75m

7. Romelu Lukaku ( Everton => Man Utd, 2017) – £72m

8. Kepa Arrizabalaga (Athletic Bilbao => Chelsea, 2018) – £72m

9. Kai Havertz (Bayer Leverkusen => Chelsea, 2020) – £72m

10. Nicolas Pepe (Lille => Arsenal, 2019) – £72m

11. Alisson (Roma => Liverpool, 2018) – £67m

12. Ruben Dias (Benfica => Man City, 2020) – £65m

13. Rodri (Atletico Madrid => Man City, 2019) – £62.8m

14. Angel Di Maria (PSG => Man Utd, 2015) – £60m

15. Riyad Mahrez (Leicester => Man City, 2018), £60m

16. Alvaro Morata ( Real Madrid => Chelsea, 2017) – £60m

17. Joao Cancelo (Juventus => Man City, 2019) – £60m

18. Christian Pulisic (Borussia Dortmund => Chelsea, 2019) – £58m

19. Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund => Arsenal, 2018) – £58m

20. Aymeric Laporte (Athletic Bilbao => Man City, 2018) – £57m

21. Kevin De Bruyne (Wolfsburg => Man City, 2015) – £54m

22. Naby Keita (RB Leipzig => Liverpool, 2018) – £52.75m

23. Erling Haaland (Borussia Dortmund => Man City, 2022) – £51m

24. Raheem Sterling (Liverpool => Man City, 2015) – £49m

25. Bruno Fernandes (Sporting Lisbon => Man Utd, 2020) – £47m

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada