Eddie Nketiah ayaa si lama filaan ah uu mushaharkiisu meel sare u galay oo ka mid noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan Arsenal, kaddib markii uu heshiis waqti dheer ah oo cusub uu toddobaadkan horraantiisii u saxeexay Gunners.
Shan sannadood oo uu Eddie Nketiah saxeexay ayaa waxa uu mushaharkiisii hore u ahaa £45,000 Gini toddobaadkii, hase yeeshee waxa looga dhigay £100,000 Gini usbuucii, taas oo ku daraysa liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxda.
Kaddib bixitaankii Aubameyang oo ahaa laacibkii hore ugu mushaharka badnaa Arsenal, ayaa markii uu tegay waxa isbeddel weyni uu ku yimid liiska mushaharka ee Arsenal, sidoo kalena waxa saamayn yeeshay Alexandre Lacazette oo isaguna si xor ah uga tegay.
Thomas Partey ayaa noqday ciyaartoyga ugu mushaharka badan Arsenal, waxaana uu toddobaadkii uu u xaadiraa lacag gaadhaysa £200,000 Gini, waxaana uu £60,000 ka sarreeyaa Nicolas Pepe oo mushaharkiisu yahay £140,000 Gini, ahna ciyaartoyga labaad ee ugu mushahar badan Arsenal.
Emile Smith Rowe ayaa ah dulmanaha Arsenal, waxaana uu toddobaadkii u xaadiraa £20,000 Gini, hase yeeshee Bukayo Saka ayaa isaguna aan waxba dhaamin oo uu mushaharkiisu yahay £30,000 Gini, waana sababta ay kooxaha waaweyn ee Ingiriisku u hunguraynayaa Saka oo ay doonayaan inay kala wareegaan Arsenal.
Halkan kaga bogo 20ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Arsenal
19. Emile Smith Rowe – £20,000-per-week
18. Nuno Tavares – £27,000-per-week
17. Bukayo Saka – £30,000-per-week
16. Rob Holding – £40,000-per-week
15. Gabriel – £50,000-per-week
14. Mohamed Elneny – £52,500-per-week
13. Albert Sambi Lonkonga – £53,000-per-week
12. Takehiro Tomyiasu – £57,000-per-week
11. Aaron Ramsdale – £63,000-per-week
10. Cedric Soares – £75,000-per-week
9. Martin Odegaard – £79,000-per-week
8. Gabriel Martinelli – £90,000-per-week
=5. Granit Xhaka – £100,000-per-week
=5. Bernd Leno – £100,000-per-week
=5. Eddie Nketiah – £100,000-per-week
4. Kieran Tierney – £110,000-per-week
3. Ben White – £120,000-per-week
2. Nicolas Pepe – £140,000-per-week
1.Thomas Partey – £200,000-per-week
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora