TOP 10: Midka Aan La Gaadhi Karin, Salah Oo Soo Dallacay, Messi Oo Wali Tartamaya Iyo Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Kubadda Cagta Oo La Magacaabay

Advertisements

Tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan guud ahaan kubadda cagta dunida ayaa lasoo saaray, kaddib markii uu xiddiga reer Masar ee  Mohamed Salah uu saxeexay heshiis cusub oo saddex sannadood ah oo uu kula sii joogayo, kaas oo lagu sheegay inuu mushaharkiisa si weyn sare ugu qaadayo.

Jimcihii ayuu Mohamed Salah saxeexay heshiiska cusub ee Liverpool, waxaana uu mushaharkiisu noqonayaa ku dhowaad £400,000 Gini toddobaadkii, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya inuu u xaadirayo £350,000 Gini.

Advertisements

Saddexda sannadood ee uu ku kordhiyey qandaraaskiisa ayaa waxay sababayaan inuu ka mid noqdo ciyaartoyga ugu mushaharka badan kubadda cagta, halka taariikhda Liverpool na uu baal dahab ah ka galay oo uu noqonayo ciyaartoygii abid ugu mushaharka  badnaa.

Erling Haaland oo ay Manchester City kala soo wareegtay Borussia Dortmund iyo goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa iyaguna isku mid ah oo uu mid walba qaataa toddobaadkii lacag gaadhaysa £375,000 Gini.

Advertisements

Marka laga baxo horyaalka Premier League, Mohamed Salah oo 30 jir ah ayaa waxa uu noqonayaa ciyaartoyga afraad ee liiska xiddigaha ugu mushaharka badan dunida, waxaanay saddexda ka sarreeyaaba ka tirsan yihiin Paris Saint-Germain.

Neymar oo toddobaadkii qaata £606,000 Gini toddobaadkii ayaa waxa kasii sarreeya £960,000 Gini iyo sidoo kale, Kylian Mbappe oo aanay cidina gaadhi karayn oo £1 milyan oo Gini toddobaadkii u xaadira toddobaadkii.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan kubadda cagta

10. Robert Lewandowski, Bayern Munich – £350,000-toddobaadkii

9. Antoine Griezmann, Atletico Madrid (on loan from Barcelona)-toddobaadkii

=7. David De Gea, Manchester United – £375,000-toddobaadkii

=7. Erling Haaland, Manchester City – £375,000-toddobaadkii

=5. Cristiano Ronaldo, Manchester United – £385,000-toddobaadkii

=5. Kevin De Bruyne, Manchester CIty – £385,000-toddobaadkii

4. Mohamed Salah, Liverpool – £400,000-toddobaadkii

3. Neymar, Paris Saint-Germain, £606,000-toddobaadkii

2. Lionel Messi, Paris Saint-Germain – £960,000-toddobaadkii

1. Kylian Mbappe, Paris Saint-Germain – £1,000,000-toddobaadkii

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada