Thomas Tuchel Oo Sharraxay Sababta Uu U Fadhiisiyey Mason Mount Iyo Jorginho

Advertisements

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu kursiga kaydka u geliyey kubbad-sameeyaha reer England ee Mason Mount ciyaarta adag ee Manchester City.

Blues ayaa Manchester City oo toban  dhibcood ka hroreysa ugu tagtay Etihad Stadium, waxaana si lama filaan ah kaydka loogu arkay Mason Mount oo ay taageereyaashu filayeen inuu hoggaamin doono kooxda.

Advertisements

Tuchel ayaa shan beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Tottenham lugtii labaad ee semi-finalka Carbaao Cup ee guusha soo hooyey, waxaanu keenay Thiago Silva, Marcos Alonso, N’Golo Kante, Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic.

Ciyaartoyda la fadhiisiyey ayaa waxa ka mid noqday Mason Mount, sidoo kalena waxa shaxda hore ka  baxay Andreas Christensen oo karantiil ku jira, Jorginho, Cullum Hudson-Odoi iyo Timo Werner.

Advertisements
Tababaraha Chelsea ayaa ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin sharraxaad ka bixiyey go’aanka xulashadiisa, waxaanu yidhi: “Qof kasta wuxuu ku jiray dookha, mana sahlana in la kala xusho. Tusaale ahaan, waxa aanu qaadanay ciyaartoyda Mateo Kovacic iyo N’Golo halkii aanu ka ciyaarsiin lahayn Jorginho, sababtuna waa goysmada iyo jiidista kubadda oo aanu ka doorbidnay baas-bixinta.

“Waxa kale oo aanu dooranay Christian iyo Hakim maadaama ay labada lugood ku ciyaarayaan, wayna ka orod badan yihiin Mason. Dhamaystirkana waxa aanu u qaadanay Romelu Lukaku.”

Advertisements

2 Fekradood

  1. U sheega galabta inaa ciyaal schol cml kubashalayo cagaweyntii Chelsea u sheega midaas ninkii okiyaalweyne ahaa iyo kuwi hal team dartiis u furtay webka

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada