Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Dhaawacyada Romelu Lukaku Iyo Timo Werner – Imisa Bilood Ayay Maqnaanayaan?

Advertisements

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka warbixiyey dhaawacyadii xalay soo gaadhay labada weeraryahan ee Timo Werner iyo Romelu Lukaku oo laga saaray qaybta hore ee ciyaartii ay 4-0 ku garaaceen Malmo.

Lukaku ayaa lagu abaal-mariyey rikoodhe markii uu Lasse Nielsen qalad xun ku galay daqiiqaddii 18aad isaga oo ku jira xerada ganaaxa, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Jorginho, laakiin laacibka reer Belgium ayaa uu dhaawac ka gaadhay kuraanta oo sii wadan kari waayey ciyaarta, iyadoo lagu beddelay Kai Havertz.

Advertisements

Timo Werner ayaa isaguna garoonka ka baxay dhamaadka qaybta hore, iyadoo booskiisana la keenay Callum Hudson-Odoi, waxaanay xaaladdiisu u muuqatay mid halis ah sababtoo ah xataa si fiican uma socon karayn, waxaana garbaha hayay dhakhaatiirta naadiga.

Thomas Tuchel oo warbaahinta la halday markii ay dhamaatay ciyaartu ayaa waxa uu yidhi: “Lukaku waxa liicday kuraanta, Timo na muruqa ayuu ka dhaawacmay, sidaa darteed maalmo ayay maqnaan doonaan.”

Waxa kale oo uu tibaaxay in kooxdiisu ay ka wanaagsan tahay dhinaca dhaawacyada, isagoo yidhi: “Waxaanu taaganahay meel wanaagsan marka aad eegto ciyaartoyda naga dhaawacan, kaliya Christian Pulisic ayaa maqan, laakiin qof walba waanu tebaynaa sababtoo ah waca nagu soo aaddan kulamo badan waana in aanu xalno xal, mana  jiro cudur-daar.”

Advertisements

Labada ciyaartoy ee xalay dhaawacmay ee Lukaku iyo Timo ayuu sheegay inay ku jireen qaab wanaagsan, balse haddana ay heli doonaan xalkooda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA