SAADAAL: PSG mise Real, Inter mise Liverpool, Atletico mise Man United – Supercomputer Oo Saadaaliyey Kooxaha Usoo Gudbaya Wareegga Siddeedda Champions League

Advertisements

Isku-aadka wareegga 16ka Champions League ayaa lasoo saaray Isniintii shalay, iyadoo waliba laba jeer lagu noqday kaddib markii uu dhacay qalad sababay in waxba kama jiraan laga dhigo isku-aadkii hore, isla markaana mid dambe la sameeyey laba saacadood kaddib markii uu isku-aadka hore soo baxay.

Supercomputer ayaa markiiba soo saaray saadaal la xidhiidha kooxda ku guuleysan doonta koobka dhegaha waaweyn xilli ciyaareedkan, iyo siddeedda naadi ee kasoo gudbi doona wareegga 16ka ee hadda isku aadkiisa la sameeyey.

Advertisements

Kooxda koobka difaacanaysa ee Chelsea ayaa wareegga 16ka la ciyaari doonta Lille oo waddanka Faransiiska ka dhisan, halka Manchester City oo ay finalkii wada ciyaareen ay iyaduna ku beegantay naadiga reer Portugal ee Sporting Lisbon.

Real Madrid oo wareeggii afar-dhamaadka soo gaadhay ayaa gashay af-libaax oo ay is haleeli doonaan Paris Saint-Germain oo ka mid ah naadiyada ugu cadcad ee loo saadaalinayo koobka, hase yeeshee Bayern Munich ayaan ka fogaan doonin waddankeeda oo la ciyaari doonta RB Leipzig, iyadoo waliba cudud iyo awood xad-dhaaf ah kasoo muujisay wareeggii group-yada.

Advertisements

Liverpool waxay is arki doonaan Inter Milan, Manchester United waxay kulmi doonaan Atletico Madrid, sidoo kalena Ajax ayay foodda is-dari doonaan naadiga Benfica. Juventus ayay u taallaa shaqo adag oo ah inay meel iska saarto Villarreal si ay ugu soo gudbi karto wareegga xiga ee siddeedda.

Supercomputer ayaa saadaaliyey in Manchester City ay durduro kusoo dhaafi doonto Sporting Lisbon oo iyadoo aan dhibaatoonin ay iman doonto wareegga siddeedda, sidoo kalena Bayern Munich iyo Ajax ay noqon doonaan naadiyo cududooda soo bandhiga mar kale oo usoo gudba wareegga siddeedda. Chelsea ayaa iyaduna soo jiidhi doonta Lille.

Real Madrid oo 13 jeer ku guuleysatay koobkan ayaa ku hadhi doonta wareeggan, waxaana soo gudbi doonta Paris Saint Germain oo xilli ciyaareedkii hore timid afar-dhamaadka, sida uu saadaaliyey Supercomputer.

Juventus, Manchester United iyo Liverpool ayaa sidoo kale ay saadaashu sheegtay in ay kasoo adkaan doonaan Villrreal, Atletico Madrid iyo Inter Milan, ayna usoo gudbi doonaan wareegga siddeedda.

Siddeedda kooxood ee Supercomputer uu saadaaliyey in ay soo gudbayaan

Manchester City, Paris Saint-Germain, Manchester United, Chelsea, Liverpool, Juventus, Bayern Munich & Ajax.

Saadaasha kooxda ku guuleysanaysa koobka

Intaas kaddib, waxa uu Supercomputer saadaaliyey kooxda ku guuleysan doonta koobka Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo uu sameeyey qiimayn la xidhiidha fursadaha ay naadiyadu kala haystaan.

Manchester City ayaa noqotay kooxda saadaasha Supercomputer siisay koobka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana ku xigta oo naadiga labaad ee haddii ay City weydo qaadan doonta ah Bayern Munich.

Fursadaha ay koox walba u haysato ku guuleysiga Champions League

1. Manchester City 11/4

2. Bayern Munich 7/2

3. Liverpool 5/1

4. Chelsea 7/1

5. PSG 10/1

6. Ajax 14/1

7. Real Madrid 16/1 (Saadaasha sare waxay sheegtay in Real Madrid ku hadhayso wareegga 16ka)

8. Manchester United 16/1

9. Juventus 25/1

10. Atletico Madrid 33/1

Advertisements

9 Fekradood

  1. Waxan layabay runti real madrid miyay tahay koox labarbar dhigi karo psg war psg waa koox hada cup radis ah real waa koox horay uu aragtay cup waxa u kadhigan yahay real waa libaxyada cup kan saxibayal reer barcelona nagadhafa fikirkan khaldan

  2. Real waa koox khimrad buuxda u leh kupkan psg waanu soo dhaafaynaa waayo rag khimrad buuxdo u leh cupkan ayaa noo ciyaaraya iyo bandhigeeda oo haddda fiicn sida barcelona yurub leage maan aadinπŸ˜‚

  3. Nin Waliba Calafkiisu Qaadayaa Naga Daaya Calaacalka Iyo Waxano Buuq Iyo Booto Ah Vivva Champion Halla Halla Liverpool πŸ†πŸ†πŸ™πŸ‘βš½βœŒοΈπŸ’―β€οΈ

    • Xaqiiqiyan lama saadalin karo koob kan oo waxaa iskugu soo harey kooxo waaweyn

      Lkn aniga fikirkeyga waxaanbisleeyahay 8 da in aysan soogareyn inter milano iyo real madrid waana kooxo waaweyn heer champion ah lakin awood kaweyn ayaa haysa sanadkaan sideeda ayaa noo balan ah iyo ninkii laga waayo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada