Sidee Ayuu Ronald Koeman U bahdilay Gerard Pique Xalay?

Gerard Pique laacib
Advertisements

Markii ay Camp Nou u ooyaysay inay helaan geesi hogaamiya, Gerard Pique ayaa u muuqday mushaharaxa booskaas geli kara laakiin Ronald Koeman ayaa taas gaashaanka ku dhuftay.

Daafaca Barcelona ayaa lagu soo bilaabay kulankii xalay ee Benfica ee ka dhacay magaalada Lisbon, laakiin markii kooxda gool looga naxsaday daqiiqadii 3aad, tababaraha ayaa go’aansaday inuu bedel sameeyo.

Advertisements

Gerard Pique laacib

Daqiiqadii 30aad, Koeman ayaa soo bixiyay 34 jirka Pique isagoo ku bedelay 17 jirka Gavi, da’ yar khadka dhexe ah.

Dhaawac darteed looma bedelin Pique, mana aheyn in shaxda wax laga bedelayay iyadoo Frenkie de Jong uu gadaal u degay islamarkaana uu ka mid noqday seddexda daafaca danbe.

Advertisements

Taageerayaasha Koeman ayaa ku doodaya in daafaca waayo araga ah uu halis ugu jiray in ciyaarta laga saaro madaama uu kaadh hurdi ah qaatay daqiiqadii 12aad.

Wax kasta oo sabab u ahaa, waxay bahdilaad ku aheyd Pique oo ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda ee garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba.

Pique ayaa seddex jeer dhameystay 90ka daqiiqo labadii isbuuc ee ugu danbeysay, iyadoo Barcelona ay shabaqa ka ilaashatay Cadiz iyo Levante ka dib guuldaradii Bayern Munich.

Madaama uu Lionel Messi kooxda ka tagay una wareegay PSG xagaagii, Pique ayaa doortay inuu hoos u dhigo mushaharkiisa isagoo saxiixay qandaraas cusub taasoo uu amaan weyn ku muteystay.

Xitaa markii la bixiyay Pique, daafaca Barcelona wax horumar ah ma aysan sameynin iyadoo Eric Garcia uu casaan qaatay, waana casaankiisii labaad ee xilli ciyaareedkan.

Barcelona waxaa laga sii dhaliyay labo gool kale iyadoo aan sameynin weerar muuqda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA