Tababare Thomas Tuchel ayaa soo xushay inta badan xiddigihii ciyaaray kulankii finalka FA Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Liverpool, kaliya labo xiddig ayaa booskoodii waayay.
Xiddiga khadka dhexe N’Golo Kante oo kulankii Liverpool kursiga keydka ku bilowday ayaa caawa bedelay Mateo Kovacic halka Hakim Ziyech uu booska kala baxay Mason Mount oo ahaa xiddigii rigoorada ka qasaariyay Blues kulankii finalka FA Cup.
Weeraryahan Romelu Lukaku ayaa weli hogaaminaya weerarka iyadoo Kai Havertz lagu soo celiyay kursiga keydka Chelsea.
SHAXDA RASMIGA AH:
Chelsea: Mendy, Rudiger, Alonso, Silva, Kante, Jorginho, James, Chalobah, Pulisic, Ziyech, Lukaku.
Keyd: Kepa, Kenedy, Sarr, Azpilicueta, Niguez, Barkley, Mount, Loftus-Cheek, Havertz.
Leicester: Schmeichel, Amartey, Evans, Fofana, Thomas, Dewsbury-Hall, Mendy, Castagne, Iheanacho, Maddison, Vardy.
Keyd: Ward, Soyuncu, Barnes, Albrighton, Perez, Choudhury, Pereira, Daka, Lookman.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora