SHAXDA QARNIGA: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Qarnigan Ugu Fiican Kulanka El-Clasico & Kooxda Ku Badan

Advertisements

Marka laga hadlayo kulamada ugu xiisaha badan kubadda cagta, ciyaarta El-Clasico ee dhex marta kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaan ahayn mid marnaba doodaas ka fog iyadoo dad badani u arkaan kulanka ugu xiisaha badan dunida kubadda cagta.

Labada kooxood ayay macquul tahay inaysan haatan u awood badnayn sidii ay mar ahaayeen balse xifaaltanka ka dhaxeeya ayaa ah mid wali cirka ku shareeran.

Advertisements

Taariikh ahaan labada kooxood ayaa ah kuwo ay usoo ciyaareed badi xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagtu iyadoo ciyaartoy badan oo hibo lehi ay si gaar ah uga soo dhalaaleen qarnigan (Laga soo bilaabo 2000).

Si kastaba, kanaalka BT Sport ayaa dadka ku xidhan bartiisa Twitter-ka ka qaaday cod ururin ah shaxdii ugu fiicnayd El-Clasico taariikhda iyadoo jamaahiirtu go’aamiyeen.

Advertisements

Goolhayaha shaxdan ayaa ah Iker Casilas oo ah kabtankii hore ee Real Madrid halka afarta daafac ay min laba u kala heleen Barcelona iyo Madrid waxaana ay kala yihiin Carles Puyol iyo Dani Alves oo Barca ah iyo Sergio Ramos iyo Roberto Carlos oo kooxda caasimada Spain ah.

Saddexleyda khadka dhexe ayay iska waayeen Andres Iniesta iyo dhammaan saddexda ruug-caddaa ee Real haatan doorkaas uga ciyaara ee Casemiro, Luka Modric iyo Toni Kroos waxaana kusoo baxay Zinadine Zidane, Xavi Hernandez iyo Sergio Busquets.

Saddexda xiddig af-hore ayaa iyaguna ah kuwo boos looga waayay halyeeyada laga xusi karo Raul Gonzalez, Ronaldinho, Benzema iyo Suarez waxaana kasoo muuqday Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Ronaldo Nazario.

Shaxda Oo Kooban

GK: Iker Casillas (Real Madrid)

LB: Roberto Carlos (Real Madrid)

CB: Carlos Puyol (Barcelona)

CB: Sergio Ramos (Real Madrid)

RB: Dani Alves (Barcelona)

CM: Zinedine Zidane (Real Madrid)

CM: Sergio Busquets (Barcelona)

CM: Xavi (Barcelona)

LW: Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

RW: Lionel Messi (Barcelona)

ST: Ronaldo Nazário (Real Madrid)

Advertisements

6 Fekradood

  1. Waa Shax Fiican alaylehe Laakiin S.Busquit Halaga
    Reebo oo halugu Badalo Iniesta Waa Khatar Wuxuu Spain ku Hogaamiyey Coopka Aduunka{FifaWorldcup}
    Saa Ula Socda Iniesta Waa dhaxdii ugu fiicnayd
    Xiligaa

  2. Ronaldinho Iyo Andeas Ineista Hadeysan ku jirin Kubadaba Maba Jirto, Ragaas Kubada ayey u Wacaayeen Kubadey Kaaley Rag dhahaayo wax kale ayey ahaayeeen

  3. Wax Bdan ayaa Qaldan waayo wxaan ka waayey dad qof walpoo football dawada hday shaxda bananka ka arkaan kuso dhacaya wx tarkooda marka loo fiiirsho xiliyadooda sida ronaldinho iyo Andreas ineista

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada