Xiddigaha Uu Ciyaarsiinayo, Kuwa Kaydka Gelaya Iyo Shaxda Uu Ralf Rangnick Ku Ciyaarsiin Doono Manchester United

Advertisements

Manchester United ayaa laga sugayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska ay la gaadhay tababaraha reer Germany ee Ralf Rangnick oo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan xilka hayn doona, kaddibna u wareegi doona shaqo lataliye oo uu ka  noqon doono Old Trafford.

63 jirkan ayaa la wareegaya Manchester United oo ku jirta kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League, sidoo kalena laga badiyey kulamadii ugu dambeeyey ka hor intii aanu kusoo doogin libintii Villarreal.

Advertisements

Manchester United ayay kusoo fool leedahay ciyaar adag oo ay maalinta Axadda ugu tegayaan Chelsea garoonka Stamford Bridge, iyadoo labadii kulan ee ugu dambeeyey ay guul-darrooyin kala soo kulmeen Watford iyo Manchester City.

Ralf Rangnick oo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin magacaabistiisa Manchester United, sidoo kalena ayaan la hubin inuu hoggaamin doono kooxda kulanka Chelsea iyo in kale, waxaana laga war sugayaa Red Devils oo haddii ay dedejiso saxeexiisa, ay suurtogal tahay inuu kulankaas hoggaamiyo kooxda amaba uu dusha sare ka daawado.

Advertisements

Waxa ugu xigi doona oo imtixaan adag uu ku mari doonaa Arsenal iyo Crystal Palace oo labaduba ah horyaalka Premier League, kuwaas oo haddii ay guulo ka keeni waayaan ay hubaal tahay inay ku dhibaatoon doonaan inay kasoo muuqdaan tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigo hore ugu dhibaataysnaa Old Trafford ayaa farxad kusoo dhoweynaya Ralf Rangnick, waxaana ka mid ah Jadon Sancho iyo Donny van de Beek oo tababarihii la caydhiyey ee Ole Gunnar Solskjaer uu kaydka ku qudhmiyey.

Jadon Sancho ayaa soo geli doona dhexda isaga oo u badnaan doona garabka midig, sidoo kalena Marcus Rashford ayaa dhinaca bidixda  ka iman doona, iyagoo wada-shaqayn dhowna yeelan doona Luke Shaw.

Victor Lindelof ayaa mustaqbalkiisu halis geli doonaa haddii ay Raphael Varane iyo Harry Maguire si fiican iskula jaan-qaadaan, halka Cristiano Ronaldo uu lama-taabtaan ka noqon doono shax kasta oo uu Rangnick  kusoo galo.

Qaabka uu xiiseeyo inuu ku ciyaaro ayaa la sheegay inay tahay 4-4-2, balse waa qaab aan ciyaartoyda Manchester United  haysato ku habboonayn, waxaanu ka fikiri doonaa inuu qaab ciyaartoyda u fududayn karaya inay bandhig fiican la yimaaddaan kusoo galo garoonka.

Waa kuwan labada shaxood ee Manchester United uu ku ciyaarsiin doono Rangnick:

Shaxda koowaad:

Manchester United

Shaxda labaad

Advertisements

Man United

4 Fekradood

  1. Waxaa qabaa fikir ah in uu la imaandoono qaab Ah 3 gadaal ah iyo hal Dm qad dhax Ah inta kale oo wareer u isticmaali karo hadaa si faah faahsan weerarka u sharxo in u dheeli doon van der beek iyo brune iyo sancho iyo rashford &shaw Ronaldo
    Halka maguire iyo varan iyo wan bissaka oo u isticmaali doono difaac oo mctommy ka horeeyo

  2. ani dood ayn kaqawa waayo pogba inu kasotago macquul maahn teda kale mejn defensive mlhn mctomony lama amini karo lkn waa big no 8 wxa lobahanyahy no6 mrka yaqawanaayo fred neh shaxda kuma arke vande beek neh wu jilicsanyahay

  3. United sida ay tahay weligeed iskama bedeleyso waayo United tabbare Kama maqna we ciyaartooyda ayaa caajis oo u baahan update. Jose, vangaal, iyo soljar ayaa wax ka badili waayey ….. Kanna wax ma dhaami doono.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA