Shaxaha Rasmiga Ah Ee Fulham vs Liverpool – Yaa Kusoo Bilowday Yaase Kaydka Galay?

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku sugan gudaha garoonka Craven Cottage oo ay marti ugu yihiin kooxda kasoo dallacday heerka labaad ee Fulham, waxaana uu tababare Jurgen Klopp u dagaallamayaa sidii uu saddexda dhibcood ee ugu horreeya xilli ciyaareedka 2022-23 uu gacanta ugu dhigi lahaa kulankiisa koowaad.

Liverpool oo kaalinta labaad gashay xilli ciyaareedkii tegay isla markaana hal dhibic ka hoosaysay Manchester City oo horyaalka ku guuleysatay ayaa waxa kulankan dhaawac kaga maqan Ibrahima Konate, Kostas Tsimikas, Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Diogo Jota iyo Caoimhim Kelleher, hase yeeshee Naby Keita oo Jimcihii tababarka kusoo laabtay ayaa isaguna seegay kulankan.

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa kaydka dhigay saxeexa cusub ee reer Uruguay ee Darwin Nunez iyo sidoo kale Carvalho oo isagana ay xagaagan kala soo wareegeen Fulham, waxaana uu ka doorbiday Roberto Firmino oo kusoo bilowday weerarka dhexe iyo saddexlayda khadka dhexe ee Fabinho, Thiago Alcantara iyo Jordan Henderson, halka weerarka ay Firmino ku wehelinayaan Luis Diaz iyo Mohamed Salah.

Difaaca dhexe ayay kusoo wada bilowdeen Virgil van Dijk iyo Joel Matip oo ay dhinacyada ka xigaan Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold, hase yeeshee warka farxadda leh ayaa waxa uu yahay in Alisson Becker uu kasoo kabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa oo uu kusoo bilowday ciyaartan.

Advertisements

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Matip, Robertson, Fabinho, Thiago, Henderson, Salah, Diaz, Firmino.

Kaydka: Adrian, Gomez, Milner, Elliott, Nunez, Carvalho, Bajcetic, Van den Berg, Chambers.

Fulham XI: Rodak, Tete, Ream, Adarabioyo, Robinson, Reed, Palhinha, Pereira, De Cordova-Reid, Kebano, Mitrovic.

Kaydka: Leno, Duffy, Cairney, Solomon, Muniz, Mbabu, Francois, Harris, Stansfield.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada