Seddexda Xiddig Ee U Sharaxan Inay Harry Maguire Ka Bedelaan Kabtanimada Manchester United

Advertisements

​Cristiano Ronaldo ayaa noqon kara kabtanka xiga ee Manchester United haddii tababare Erik ten Hag uu go’aansado inuu kabtanimada ka wareejiyo daafaca fashilmay Harry Maguire.

David de Gea iyo Bruno Fernandes ayaa iyagana ku jira tartanka kabtanimada Manchester United ee xilli ciyaareedka soo socda sida uu sheegay wariyaha ESPN Rob Dawson.

Advertisements

Dea Gea iyo Fernandes ayaa hore kabtan ugu soo noqday Manchester United markii uu Maguire ka maqnaa shaxda kooxda.

Goolhayaha reer Spain ayaa kooxda joogay muddo 11 sannadood ah isagoo ciyaaray kulan walba oo Premier League ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Advertisements

Fernandes isagu wuxuu kooxda ku soo biiray bishii Janaayo 2020 isagoo durbadiiba noqday xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda.

Mustaqbalka Maguire ee Old Trafford ayaa shaki ku jiraa ka dib markii uu fashilmay xilli ciyaareedkii soo dhamaaday.

Waxaa ka sheegayaa inuusan qeyb ka noqon doonin qorshaha dib u dhiska ee tababare Ten Hag iyadoo ninka reer Holland uu doonayo inuu daafacyo cusub soo iibsado.

Daafaca Ajax Jurrien Timber iyo daafaca Villarreal Pau Torres ayaa ka mid ah daafacyada lala xiriiriyay Manchester United xagaagan.

Tababare Ten Hag oo warbaahinta u waramayay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeysay ayaa diiday inuu xaqiijiyo haddii Harry Maguire uu sii ahaan doono kabtanka kooxda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada