Saxiixa Gabriel Jesus Oo Lagu Kala Baxay & Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Caawa Oo Jimce Ah

Wargaysyada
Advertisements

Arsenal iyo Manchester City ayaa maanta heshiis buuxa oo dhanka afka ah ka gaaray saxiixa Gabriel Jesus sida uu shaaciyay kabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano. Labada kooxood ayaa ku heshiiyay 45 milyan ginni iyadoo Arsenal ay haatan ka shaqeyneyso sidii ay heshiis shaqsi ah u la gaari laheyd Gabriel Jesus. Saxiixa xiddigaan waxaa la filayaa in la dhameystiro waqti dhow.

Tartanka loogu jiro xiddiga Leeds United Raphinha ayaa meel kulul maraya. Arsenal iyo Tottenham waxay weli ka shaqeynayaan soo xerogelinta xiddiga reer Brazil. Barca oo iyaduna xiiseyneysa xiddigaan weli wax dalab cusub ma aysan ka gudbinin. Ma jirto ilaa iyo haatan koox heshiis la gaartay Leeds oo ciyaaryahankaan ku dooneysa 65 milyan ginni. Chelsea ayaa sidoo kale wacday Leeds laakiin muhiimadooda koowaad ee Raheem Sterling.

Advertisements

Xiddiga diirada u saaran kooxaha Man United iyo Chelsea ee Anthony ayaa maanta soo xaadirin tababarka kooxdiisa Ajax inkastoo kooxda reer Holland ay ku adkeysaneyso inuu sii joogayo kooxda.

Kooxaha Newcastle iyo Lille ayaa ka heshiiyay saxiixa Sven Botman iyadoo Newcastle ay kula soo wareegeyso xiddigaan heshiis gaaraya 35 milyan ginni. Waxay kooxda Ingariiska saxiixa Botman ka dulqaaday AC Milan.

Advertisements

Manchester City ayaa heshiis kala gaartay kooxda Leeds United saxiixa Kalvin Phillips. Xiddigaan Ingariiska ayaa Etihad ku tagaya heshiis gaaraya 42 milyan ginni, waxaana loo arkaa bedelka Fernandinho oo ka tagay kooxda City.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Denmark Christian Eriksen ayaa weli kala go’aansanaya kooxdii uu ku biiri lahaa midkood Manchester United ama kooxdii uu u ciyaarayay lixdii bilood ee ugu danbeysay ee Brentford.

Cristiano Ronaldo ayaa lagu waramayaa inuu go’aansaday inuu sii joogo Manchester United inkastoo ka careysan yahay dhaqdhaqaaq yarida suuqa kala iibsiga ee Manchester United.

Waxaa maanta soo baxay warar sheegaya in wakiilka Cristiano Ronaldo uu xiriir la sameeyay Bayern Munich laakiin waxaa warkaas biyo qabow ku shubay agaasimaha isboortiga Bayern Hasan Salihamdizic kaasoo u sheegay SkyDe: “Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan sarre. Si kastaba, wararka sheegaya inuu u soo wareegayo Bayern run ma ahan. Wararkaan waxba kama jiraan.”

Divock Origi ayaa noqon doona ciyaaryahan AC Milan isbuuca soo socda. Heshiiskiisa waxaa la dhameeyay bishii May, kaliya waxaa harsan in la shaaciyo inuu yahay saxiixa cusub ee Milan. Kooxda Villarreal ayaa isku dayday inay ka afduubato Milan laakiin Origi ayaa ku adkeystay inuu doonayo kaliya Rosaneri.

Goolhayaha Manchester United Dean Henderson ayaa heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegaya kooxda u soo dalacday Premier League ee Nottingham Forest. Red Devils ayaase diiday inay heshiiska ku darto qodob dhigaya in Nottingham Forest ay si joogta ah u la wareegto goolhayaha marka uu dhamaado heshiiskiisa amaahda.

Tababaraha kooxda Ajax Alfred Schreuder oo ka hadlayay xiisaha Man United ee Timber ayaa yiri: “Waan la hadlay Jurrien Timber, waxaana qiyaasayaa inuu sii joogayo Ajax. Timber waa nin aqli badan wuxuuna ogsoon yahay waxa u fiican isaga. Waxaana aaminsanahay in Ajax aysan ka maarmin.”

Milkiilaha cusub ee Chelsea Boehly ayaa ku wargeliyay tababare Thomas Tuchel inuu u gacangelin doono lacag ka badan 200 milyan ginni islamarkaana xagaagan kooxda la keeni doono lix xiddig oo cusub.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada