Saxeexyadii La Dhamaystiray, Xiddigaha Qarka Loo Saarnaa Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Caawa Oo Arbaco Ah

Suuqa iibka
Advertisements

RASMI: Kooxda kubadda cagta Real Sociedad ayaa ku dhawaaqday saxeexeedii weynaa ee ugu horreeyey xagaagan, waxaanay 15 milyan oo Euro kasoo bixisay Brais Mendez oo ay kala soo wareegtay Celta Vigo. 25 jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis lix sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2028.

RASMI: Southampton ayaa si rasmi ah ula wareegtay xiddiga da’da yar ee Manchester City ee Romeo Lavia oo ay kasoo bixisay 10.5 milyan oo Euro. 18 jirkan khadka dhexe oo lagu tilmaamo xiddigaha ugu fiican da’yarta ayaa waxay Man City heshiiskiisa ku dartay qodob u ogolaanaya inay dib usoo iibsato iyadoo bixinaysa in ka badan 45 milyan oo Euro.

Advertisements

RASMI: Kaddib markii ay Manchester City ka iibisay xiddigeedii khadka dhexe, Leeds United ayaa lasoo wareegtay Tyler Adams oo u buuxin doona booska uu banneeyey xiddiga reer England. Adams ayaa sannado qurux badan kusoo qaatay RB Leipzig, maanta ayaana lagu soo bandhigay Elland Road.

Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xiddiga reer England ee Raheem Sterling oo ay kala soo wareegayso Manchester City. Laacibkan ayaa noqonaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan Chelsea, waxaanu Stamford Bridge soo gaadhi doonaa 24ka saacadood ee soo socda, isaga oo Blues u raaci doona safarka ay Jimcaha ugu baxayso Maraykanka. Man City ayaa ogolaatay inay 50 milyan oo Gini ku iibsato weeraryahankan oo 12 bilood oo kali ahi ka hadhsanaayeen qandaraaskiisa Etihad Stadium.

Advertisements

Villarreal  iyo Paco Alcacer ayaa gaadhay xal ay si nabadeed ugu kala ambobaxayaan. Weeraryahankan ayaa heshiis soconaya illaa sannadka 2025 kula jiray Villarreal oo uu ka yahay ciyaartoyga ugu mushaharka badan, balse xilli ciyaareedkii tegay ayuu kursiga kaydka ku qaatay oo aanu helin boos joogto ah.

RASMI: Napoli ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska Mathias Olivera oo ay 12 milyan oo Euro kaga soo iibsatay kooxda reer Spain ee Getafe.

RASMI: Atletico Madrid ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe ee reer Belgium ee Axel Witsel oo ay si xor ah ugala soo wareegeen Borussia Dortmund. 33 jirkan oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayay Dotmund ayaa  noqonaya saxeexii koowaad ee ay Atletico samayso xagaagan.

RASMI: Borussia Dortmund ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska xiddiga beddelay Erling Haaland oo ah Sebastien Haller oo maanta lagu soo bandhigay Westfalenstadion. Gool-dhaliyahan oo ay Dortmund kala soo wareegtay Ajax ayaa u saxeexay heshiis afar sannadood ah.

Raphael Honigstein oo ka tirsan wargeysyada Der Spiegel iyo The Athletic ayaa sheegay in Bayern Munich ay ogolaanayso inay iibiso Robert Lewandowski oo ay 50 milyan oo Euro ku qiimeeyeen, laakiin waxay lacagtaas ku doonayaan qaddin sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in Barcelona ay burburayso oo aanay sii jiri doonin haddii ay laacibkan la saxeexato.

Ruug-caddaaga reer Spain ee Joaquin ayaa heshiis cusub oo sannad ah oo soconaya illaa June 2023 u saxeexay kooxdiisa Real Betis. 40 jirkan ayaa kooxdaas kula guuleystay Copa del Rey, waxaana uu wali leeyahay tamar uu kusii ciyaari karayo.

Angel di Maria ayaa toddobaadkan u duulaya waddanka Talyaaniga oo uu kaga biirayo Juventus oo uu heshiis la gaadhay. Xiddiga reer Argentina ayaa heshiis sannad ah u saxeexaya Old Lady kaddib markii uu

Khabiirka reer Chile ee Arturo Vidal ayaa ka degay waddanka Brazil, waxaana uu ku biirayaa Flamengo kaddib markii uu si xor ah uga tegay Inter Milan. Muuqaal laga duubay Vidal oo tijaabada caafimaadka u maraya Flamengo ayaa soo afjaray hadal-hayntii ka taagnayd halka uu ku dambaynayo laacibkan ee uu xirfaddiisa kusoo gunaanayo.

Paul Pogba ayaa maalitna Sabtida ka degi doona Turin oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Juventus oo uu dib ugu laabanayo kaddib lix sannadood oo uu u ciyaaray Manchester United. Xiddiga reer France ayaa si xor ah ugu wareegaya Old Lady oo uu hore ugu soo ciyaaray afar sannadood oo uu guulo waaweyn la gaadhay.

Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigatay difaaca xulka qaranka France iyo kooxda Bayern Munich ee Benjamin Pavard, kaas oo ay doonayso inay ku xoojiso safkeeda difaaca ee ay ka baxeen Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada