SAWIRRO: Muxuu Cunay? Muuqaalka Samir Nasri Oo Laba Toddobaad Kahor Kubadda Cagta Ka Hawl-Gabay Oo Kaa Yaabinaya

Xiddigii hore ee kooxaha Marseille, Arsenal, Manchester City, West Ham United Iyo Sevilla ee Samir Nasri ayaa xalay dunida lahor yimid muuqaal aad uga duwan midkii lagu yaqaanay.

Nasri oo laba toddobaad kahor ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay kubadda cagta ayaa ka qayb galay kulan dhex maray halyeeyada kooxda Marseille iyo koox ku ciyaaraysay magaca UNICEF XI.

Image

Muuqaalka uu kulankaas kusoo galay Nasri ayaa ahaa mid aad uga duwan sidii looga bartay waxaana ka muuqday cayil iyo inuu miisaankiisu aad u kordhay.

Sawirrada Nasri ayaa la wareejinayay baraha bulshada iyadoo la bar-bardhigayay xiddigaha ay isku jiilka ahaayeen ee wali heerka ugu sarreeya wacdaraha ka dhigaya iyo qaabka uu isagu isu bedelay isaga oo wali 34 sano jir ah.

Ciyaaryahanada isbar-bardhiga lagula samaynayo ayuu kamid yahay Karim Benzema oo murashax xoogan u ah abaalmarinta Ballon d’Or oo ay sanadkii 2004 kusoo wada guuleysteen koobka Yurub ee xiddigaha 17 sano jirka ka yar.

 

Image

Image

 

Image

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA