“Salah Wuxuu Doono Ha Yidhaahdo, Liverpool Waxay Ismoodaysaa….” – Karim Benzema Oo Digniin Adag U Diray Reds Kahor Champions League

Advertisements

Weerayahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa digniin hawada u mariyay kooxda ay Final-ka UEFA Champions League ku ballansan yihiin ee Liverpool iyo waliba xiddigeeda Mohamed Salah.

Labada kooxood ayaa isku soo arkay Final-kii UEFA Champions League ee 2018 markaas oo ay Real Madrid koobka qaaday, sidoo kalena isla kooxda ree Spain ayaa gudubtay mar ay ku kulmeen sideed dhammaadka CL xilli ciyaareedkii hore.

Advertisements

Haatan Liverpool ayaa isha ku haysa inay kulanka Sabtida koobkaas ku guuleysato iyadoo ka aargoosanaysa Los Blancos isla markaana hananaysa tartanka markeedii toddobaad taariikhda.

Mid kamida xiddigaha Liverpool ee aan dareenkiisa qarin kahor kulankaas ayaa ah Mohamed Salah oo dhawr jeer saxaafada kahor sheegay sida uu u doonayo kahor tagista Liverpool iyo inuu aargudasho sameeyo.

Advertisements

Haatan Benzema oo la hadlay il-wareedka Movistar+ ayaa sheegay in Liverpool ay ismoodayso inay kulankaas sii guuleysatayba oo ay kalsooni badan qabto isaga oo dhinaca kale sheegay in Salah xor u yahay inuu wuxuu doono yidhaahdo.

“Liverpool waxay qabtaa kalsooni badan. Malaha waxay moodayaan inay xilli horeba kulankaas guuleysteen, malaha waxay moodayaan in tani aysan ahayn Real Madrid-ii hore oo kale, inay yihiin kuwa kulanka ugu cad cad. Salah wuxuu doono ayuu odhan karaa” ayuu yidhi Karim.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada