Sadio Mane ayay ku qaadatay kaliya 29 daqiiqo uu ciyaarayay horyaalka Bundesliga inuu dhaliyo goolkiisii ugu horeysay iyadoo Bayern Munich ay guul weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka 2022-23 ka dib markii ay 6-1 ku xasuuqeen Eintracht Frankfurt oo marti loogu ahaa Deutsche Bank Park.
Kulan u muuqday mid adag oo dhexmarayay kooxdii ku guuleysatay Europa League iyo kooxda difaacaneysa horyaalka Bundesliga ayaa noqday kulan hal dhinac ah iyadoo Bayern Munich ay cagta la martay Frankfurt iyagoo shan gool ka dhaliyay qeybtii hore kaliya.
Joshua Kimmich ayaa goolasha u furay daqiiqadii shanaad isagoo dhaliyay laad xor cajiib ah oo uu ku gaaday goolhaye Kevin Trapp, shan daqiiqo ka dibna natiijada waxay aheyd 2-0 markii Benjamin Pavard uu shabaqa soo taabtay.
Mane ayaa goolasha ka qeyb qaatay isagoo madax ku dhameystiray karoos ka yimid Serge Gnabry, waxa uu sidoo kale udub dhexaad u ahaa goolashii afaraad iyo shanaad ee Bayern Munich iyadoo Thomas Muller uu gol saxan u saaray Jamal Musiala halka Gnabry uu goolka shanaad saxiixay ka hor waqtigii nasashada.
Frankfurt oo ka argagaxday goolasha lagu xaaqay qeybtii hore ayaa seddex bedel sameysay waqtigii nasashada, waxayna soo ceshadeen hal gool daqiiqadii 65aad ka dib qalad uu sameeyay goolhaye Manuel Neuer.
Iyadoo natiijada ay mar hore dhinac u dhacday Bayern Munich ayaa bedel ku soo gelisay saxiixyada cusub Ryan Gravenberch iyo Matthijs De Ligt laakiin waxay ku dhameysteen gool kale oo lixaad iyadoo Musiala uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta oo uu caawiye ka ahaa Leroy Sane.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora