Saddexdii Ciyaartoy Ee Liverpool Ee Ceeboobay, Xiddigii Garoonka Ee Aan Lagu Murmin Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Fulham Iyo Liverpool

Advertisements

Liverpool ayaa barbarro waqti dambe ah ka tuugtay Fulham oo ay marti u ahayd, waxaanay horyaalka ku furteen hal dhibic oo ay kasoo heleen magaalada London, taas oo ay u mareen dhibaato badan.

Fulham ayaa u qalmaysay inay hesho ugu yaraan hal dhibic, iyadoo uu Jurgen Klopp inta badan ku dhamaystay niyad-jab iyo isaga oo madaxa ruxaya oo garan la’ wax uu sameeyo.

Advertisements

Laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo uu Fulham labadii qaybood ee ciyaarta u kala dhaliyey Mitrovic ayaa sababay in Liverpool ku dhibaatooto Craven Cottage, waxaase iyagana dhibicda u badbaadiyey Darwin Nunez oo beddel kusoo galay iyo Mohamed Salah.

Xiddigii garoonka

Advertisements

Weeraryahanka Fulham ee Aleksandar Mitrovic ayaanu shaki ku jirin in uu ahaa xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka. Waxa  uu dhaliyey laba gool, waxa lagu galay rikoodhe, waxaana uu nafiska u diiday difaacyahannada Liverpool ee Virgil van Dijk iyo Joel Matip.

Ma jirin ciyaartoy la mid ahaa Aleksandar Mitrovic isku darka labada kooxood, waxaana uu noqday xiddigii garoonka.

Saddexdii ciyaartoy ee Liverpool ee ceeboobay

Alexander-Arnold ayay u ahayd maalin madow. Waxa uu iska waayey hal-abuurkii lagu yaqaanay ee uu weerarka kala qayb-qaadan jiray, taas beddelkeedana waxa uu noqday mid ku fashilmay in uu xataa goolkiisa difaacdo. Goolka koowaad ee Fulham ayuu Mitrovic isaga ka dul-booday oo uu madax kaga dhaliyey. Waxa u sii raacay in dhawr jeer si fudud loo dhaafay oo qaybtiisa liidata bannaanka loo keenay.

Waxa kale oo aad u liitay Thiago Alcantara oo booskiisa khadka dhexe ay kooxdu ka dunsanayd. Inkasta oo uu qaybtii dambe ku baxay dhaawac, haddana waxa uu xammili waayay culayska iyo hirdanka ciyaartoyda Fulham khadka dhexe ugu diyaarsanaa.

Ciyaartoyga saddexaad ee fashilmay waxa uu ahaa Roberto Firmino oo maqane jooga ka ahaa gudaha garoonka, iyadoo aanu haba yaraatee waxa saamayn ah ku lahayn garoonka.

Saddexdan ciyaartoy ee Liverpool ayaa ahaa kuwa ugu liitay guud ahaan ciyaarta.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Fulham: Rodak (7), Tete (7), Adarabioyo (6), Ream (7), Robinson (7), Reed (7), Joao Palhinha (8), Reid (6), Andreas Pereira (8), Kebano (7), Mitrovic (9).

Beddelka: Solomon (6), Duffy (n/a), Cairney (n/a).

Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (5), Matip (6), van Dijk (6), Robertson (7), Henderson (6), Fabinho (6), Thiago (5), Salah (7), Firmino (5), Diaz (7).

Beddelka: Milner (6), Elliott (5), Nunez (8), Carvalho (6).

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada