Bixitaanka Sadio Mane ee Liverpool waxa uu soo afjaray saddexdii weeraryahan ee ku halista badnaa ee ku midaysnaa Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino, laakiin Reds waxay haddaba haysataa saddexlay kale oo ku midoobay booskaas oo xilli ciyaareedkan isla jaan-qaadaya.
Sannadkii 2017 ayay Liverpool la saxeexatay Salah oo ay kala soo wareegtay AS Roma, waxaana markiiba uu si fiican ula jaan-qaaday horyaalka Premier League oo uu kaga jiro liiska xiddigihii ugu wanaagsanaa ee soo maray Liverpool intii uu horyaalku sitay magaca Premier League.
Sidaas oo ay tahay, waxa la ogaaday in sannadkii 2017 aanu Mohamed Salah ahayn ciyaartoyga koowaad ee ay doonayeen in ay la saxeexdaan laakiin saddex ciyaartoy oo kale oo ay ka door-bidayeen markii ay waayeen ay isaga u jeedsadeen.
Wariyaha wargeyska Time ee Paul Joyce oo la socday qorshihii Liverpool ee waqtigaas ayaa sheegay in bartilmaameedka koowaad ee Liverpool uu ahaa Christian Pulisic oo waqtigaas joogay Borussia Dortmund, Julian Draxler oo ka tirsanaa Wolves laakiin ay Paris Saint-Germain waxyar kaddib la saxeexatay iyo Julian Brandt oo Bayer Liverkusen ahaa.
Saddexdan ciyaartoy ayaa ahaa kuwa ay Liverpool aadka u doonaysay laakiin markii ay saxeexooda ku guul-darraysteen ayay dantu ku kalliftay Mohamed Salah oo waqtigaas wacdaro ka dhigayay horyaalka Serie A.
Imaatinkiisu waxa uu Jurgen Klopp siiyey in uu afka hore ka wada ciyaarsiiyo Mane-Salah-Neymar waxaanay saddexdooda oo la isku-daray dhaliyeen in ka badan 245 gool, iyaga oo ku guuleystay Champions League, Premier League iyo koobab
Newmar Liverpool uu dheela walle waa yaab
Neymar kulahaa Sakhraan baa warkan soo qoray