“Saddex Toddobaad Ayaan Joogay, Waxaan Fahmay…..” – Conte Oo Bahdilay Heerka Kooxdiisa Tottenham Kaddib Ceebtii Weyneyd Ee Xalay

Advertisements

Tababaraha cusub ee kooxda Tottenham ee Antonio Conte ayaa qirtay inuu bilaabay inuu fahmo heerka kooxdaasi kaddib guuldarro bahdil ah oo ay kala kulmeen kooxda yar ee ree Slovenia ee Mura.

Tottenham ayaa aad loogu maadsaday in Mura oo 2012 la aas-aasay aysan jirin markii ugu dambaysay ee ay Spurs koob qaadeen oo ahayd 2008 isla markaana ay xalay dhibcahoodii ugu horreeyay abid tartan Yurub ah ka qaateen isla iyaga.

Advertisements

Goolkii uu wakhtigii dhimashada dhaliyay Amadej Marosa ayaa ka caawiyay Mura guul dahabi ah iyadoo Harry Kane uu goolka Spurs ku barbareeyay goolkii furitaanka ee Tomi Horvat.

Ryan Sessegnon ayaa qaybtii hore kaadh casaan ah ka qaatay Tottenham balse kooxda tababare Antonio Conte ayaa ugu yaraan bar-bardhac la gali karaysay koox afartii kulan ee hore ee Group-ka laga badiyay isla markaana meel dhexe kaga jirta horyaalka Slovenia.

Advertisements

Si kastaba, Conte ayaa sheegay inuu saddex toddobaad oo uu kooxda joogay kaddib uu fahmay in heerka Tottenham yahay mid aad u hooseeya.

“Saddex toddobaad kaddib waxaan bilaabayaa inaan fahmo xaalada, maaha mid sahlan. Wakhtigan heerka Tottenham maaha mid sarreeya” ayuu yidhi Conte.

“Waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo balse waa inaanu in badan shaqaynyo si aanu safka kooxda u horumarino.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada