SAADAAL: Xasuuqa Loo Geysanayo Man United, Chelsea Oo Guul-darro Xambaaranaysa, Liverpool Oo Soo Noolaanaysa Iyo Saadaasha Premier League Ee Toddobaadkan

Advertisements

Kulanka ugu weyn horyaalka Premier League ee toddobaadkan la ciyaarayo waa Manchester City iyo Chelsea oo garoonka Etihad Stadium foodda isku-dari doona, halkaas oo natiijada kasoo baxdaa ay isbeddel weyn ku samayn doonto sida uu yahay miiska kala-sarraynta Premier League.

Manchester City oo toban dhibcood ka horreysa Chelsea oo kaalinta labaad ku jirta, ayaa haddii ay guuleysato waxay sii dheeraysan doontaa hoggaankeeda iyadoo 13 dhibcood ka horreynaysa Blues, hase yeeshee Thomas Tuchel ayaa dhimasho ka xiga in sidaasi dhacdo.

Advertisements

‘Gari laba nin kama wada qosliso’ ayaa ahayd maahmaah Soomaaliyeed, waana midda ay haddaba sii ogyihiin Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel, balse tababaraha reer Germany waxa isagu uu xataa faa’iido u arkaa in uu barbarro soo galo, sababtoo ah kooxdiisa ayaa mari ah, waxaana ugu weyn ee uu ka ordayaa guul-darro sababta inuu waqti horeba lumiyo tartanka horyaalka oo haddaba rajadoodu gabaabsi tahay.

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa waxa uu guul 2-1 ah u saadaaliyey Manchester City, taas oo haddii ay run noqoto meesha ka saaraysa in Man City lagula tartami karo horyaalka.

Advertisements

Labada kooxood ee reer London ee Tottenham iyo Arsenal ayaa iyaguna Axadda ku ballansan kulan natiijadiisu xaasaasi tahay oo ay saamayn ku yeelan karto booska kaalinta afraad ee horyaalka.

Arsenal ayaa safar ugu tegaysa Tottenham, waxaana haddii laga badiyo ay lumin doonaan booska kaalinta afraad oo Spurs ay kala wareegi doonto maadaama ay laba dhibcood oo kali ah ka horreyso hadda.

Manchester United ayaa uu Paul Merson u saadaaliyey in la xasuuqayo toddobaadkan marka ay garoonka Villa Park ugu tagto Aston Villa oo uu Steven Gerrard kusoo kordhiyey dhiig cusub, sida Philippe Coutinho iyo Lucas Digne.

Liverpool ayaa kaalinta labaad kala bixi doonta Chelsea sida uu saadaasha ku sheegay Paul Merson, waxaanay kooxda tababare Klopp ay si fudud u dhirbaaxi doontaa Brentford.

Saadaasha Paul Merson ee toddobaadkan oo dhamaystiran:

Brighton 2-2 Crystal Palace

Wolves 2-1 Southampton

Norwich City 2-1 Everton

Manchester City 2-1 Chelsea

Newcastle United 1-1 Watford

Burnley 1-3 Leicester City – Waa la baajiyey

Aston Villa 3-1 Manchester United

West Ham 3-1 Leeds United

Liverpool 3-0 Brentford

Tottenham Hotspur 1-2 Arsenal

Advertisements

10 Fekradood

  1. Waa saadaal macquul, marka laga reebo kulanka man united vs astonvilla, united real madrid lama ciyaarayso si loo xasuuuqo! Waa astonvilla oo ay habeenkii dhawayd ba ay kabadisay, united nacayb ayay katahay

  2. Brighton 2-1 Crystal Palace

    Wolves 2-1 Southampton

    Norwich City 1-2 Everton

    Manchester City 2-1 Chelsea

    Newcastle United 1-0 Watford

    Burnley 1-3 Leicester City – Waa la baajiyey

    Aston Villa 1-2 Manchester United

    West Ham 3-1 Leeds United

    Liverpool 3-0 Brentford

    Tottenham Hotspur 3-1 Arsenal

  3. Paul ma cawri ayuu United wax kaga qaadi khabiir buu iska dhigaya maalin walba been buu saadaaliya Arsenal koox saadaashaada ku soconaysa maaha

  4. Chelsea geeri ka xigtaa inay ka badis0
    City waay0 waa rajada kooxda ku xidhanTahy hdii ay dhacdana
    Viva Chelsea guul inCha AllH

  5. WAXANI OO KALE SAADAAL MAAHA NINKAN SI SCIENTIFIC UMA SAMEEYO PREDICTIONKA WAXANOO KALE XITAA CIYAALKU XITA MA SAADAALIYAN WAA NACAYB UU UQABO MAN UTD DHAMAN SAADASHA U SAMEEYAY WAA KUWO XAQIIQADA KA WADA FOG

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada