Saadaasha Michael Owen Ee Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan – Muxuu Ka Yidhi Man City vs Chelsea, Tottenham vs Arsenal Iyo Aston Villa vs Man Utd?

Advertisements

Michael Owen ayaa soo saaray saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo usbuucan ay ku ballansan yihiin kooxo waawey.

Manchester City oo hoggaanka haysa ayaa qaabbili doonta Chelsea oo kaalinta labaad ku jirta, labada kooxood ee woqooyiga London ee Arsenal iyo Tottenham ayaa albaabada isku xidhan doona, halka Manchester United uu u yaallo imtixaan adag oo ay inay Aston Villa iskaga celiyaan Villa Park.

Advertisements

Kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan waxa saamayn ku yeelanaya Fayraska Korona oo sababay in ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ahi ay ka baaqato Leicester City oo kulankeedii Sabtida ee Burnley la joojiyey.

Etihad Stadium ayaa noqon doona midka ay indhuhu qabanayaan marka ay Saacadda Geeska Afrika tahay 3:30pm, markaas oo ay ka bilaabmi doonto ciyaarta Manchester City iyo Chelsea.

Advertisements

Pep Guardiola oo 11 ciyaarood oo xidhiidh ah ay kooxdiisu soo badisay ayaa doonaya in kulankii 12aad oo isku-xiga uu guuleysto, taas oo haddii ay dhacdo u suurtgelin doonta naadigiisa inay 13 dhibcood ku qabtaan horyaalka illaa inta ay kasoo baxayso natiijada ciyaarta Axadda ee Liverpool iyo Brentford, markaas oo dhibcaha ay hoggaanka ku hayaan ay Reds 11 kusoo celin karto.

Michael Owen ayaa rumaysan in Manchester City ay saddex gool taabsiin doonto shabaqa Chelsea oo ay ciyaartoodii hore ee Stamford Bridge na ay kasoo badisay.

Halyeygan hore ee xulka England waxa kale oo uu saadaaliyey in Manchester United ay guul-darro kala soo laaban doonto Villa Park oo ay ku sugayso Aston Villa oo uu tababare u yahay saaxiibkiisii Liverpool ee Steven Gerrard.

Tottenham iyo Arsenal ayaa uu u diiday in midkoodna saddexda dhibcood  la hoyato, hase yeeshee Liverpool ayuu kaga sii farxiyey saadaashiisa oo uu ugu bushaareeyey saddex dhibcood oo ay ka qaadan doonaan Brentford.

Halkan kaga  bogo saadaasha Michael Owen oo dhamyastiran:

Brighton 2-1 Crystal Palace

Man City 3-1 Chelsea

Norwich 1-2 Everton

Wolves 1-0 Southampton

Newcastle 2-1 Watford

Aston Villa 2-1 Man Utd

West Ham 3-1 Leeds

Liverpool 2-0 Brentford

Tottenham 1-1 Arsenal

Advertisements

3 Fekradood

  1. Brighton 2-1 Crystal Palace

    Wolves 2-1 Southampton

    Norwich City 1-2 Everton

    Manchester City 2-1 Chelsea

    Newcastle United 1-0 Watford

    Burnley 1-3 Leicester City – Waa la baajiyey

    Aston Villa 1-2 Manchester United

    West Ham 3-1 Leeds United

    Liverpool 3-0 Brentford

    Tottenham Hotspur 3-1 Arsenal

    • Taageero mancity wankugu raacsanyahay inkasto goolasha nagu yareese City guuul sidokale manu guul waayo marabo totenham IYO arsenal Nomber foor deriskeena munited

  2. Brighton 2-2 Crystal Palace

    Wolves 1-1 Southampton

    Norwich City 0-2 Everton

    Manchester City 4-1 Chelsea

    Newcastle United 0-1 Watford

    Burnley 1-3 Leicester City – Waa la baajiyey

    Aston Villa 2-0 Manchester United

    West Ham 3-2 Leeds United

    Liverpool 2-2 Brentford

    Tottenham Hotspur 1-3 Arsenal

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada