Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Paul Merson Ee Kulamada Usbuucan Ee Premier League – Muxuu Ka Yidhi Chelsea vs Man United?

Advertisements

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa soo saaray saadaashiisa horyaalka Premier League ee kulamada 13aad, kuwaas oo imanaya xilli xaasaasi ah oo ay dhaceen isbeddello waaweyn, isla  markaana ballansan yihiin kooxo natiijooyinkoodu dhalan-geddiyi karaan sida uu hadda yahay miiska kala-sarraynta.

Manchester United oo kaalinta siddeedaad u dhacday markii ay Watford 4-1 ku garaacday Sabtidii ayaa waxay u tegi doontaa Chelsea oo hoggaanka horyaalka haysa, waxaana ciyaartan Red Devils ay imanaysaa toddobaad kaddib markii shaqada laga caydhiyey Ole Gunnar Solskjaer.

Advertisements

Chelsea oo saddex dhibcood hoggaanka kaga haysa Manchester City oo kusoo xigta ayaa haddii ay dhibco lumiso waxa kusoo dhoweyn doona amaba soo gaadhi doona City iyo sidoo kale Liverpool oo afar dhibcood ka dambaysa.

Manchester United ayaa iyaduna hoos uga sii dhici doonta booskeeda haddii ay guul kasoo hoyn weydo Stamford Bridge, iyadoo waliba uu hoggaaminayo Michael Carrick oo ku-meelgaadh loogu sii dhiibay kooxda kaddib caydhintii Ole Gunnar Solskjaer.

Advertisements

Paul Merson oo ciyaartan saadaaliyey ayaa ka nixiyey kooxda dhibaatada ku jirta ee Manchester United, waxaanu u sheegay in saddex gool shabaqooda taaban doono, iyaguna ay faro madhan la hoyan doonaan.

Arsenal ayaa kusoo laaban doonta jidka guusha kaddib guul-darradii culayd ee ay usbuucii hore kala kulmeen Liverpool, halka Jurgen Klopp ay kooxdiisuna lugta-lugta ugu hayn doonto Man City marka ay labadooduba kala booqdaan Southampton iyo West Ham.

Saadaasha Paul Merson ee kulamada horyaalka Premier League ee usbuucan:

Arsenal 3-0 Newcastle United

Liverpool 3-0 Southampton

Norwich City 1-1 Wolves

Crystal Palace 2-1 Aston Villa

Brighton 2-0 Leeds United

Brentford 2-1 Everton

Manchester City 2-0 West Ham United

Leicester City 2-1 Watford

Burnley 1-1 Tottenham Hotspur

Chelsea 3-0 Manchester United

Advertisements

8 Fekradood

  1. Arsenal 3- Newcastle United

    Liverpool 1-0 Southampton

    Norwich City 1-0 Wolves

    Crystal Palace 3-1Aston Villa

    Brighton 2-2 Leeds United

    Brentford 2-3 Everton

    Manchester City 4-0 West Ham United

    Leicester City 2-0 Watford

    Burnley 1-4 Tottenham Hotspur

    Chelsea 1-2 Manchester United

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada