Khabiirka kubadda cagta England ahna xiddigii hore ee Arsenal ee Paul Merson ayaa saadaashiisii ugu dambaysay ku sameeyay horyaalka Premier League oo kaalmaha ugu xasaasisan la go’aamin doono toddobaadka soo socda oo ah midka ugu dambeeya.
Aan ku bilawnee Merson ayaa qaba in Man United ay xilli ciyaareedkan fadeexada ku ah ku dhammaysan doonto guuldarro kale oo ay kala soo kulmayso Crystal Palace balse bar-bardhac uu filayo in West Ham lasoo gali doonto Brighton ayaa ka dhigan in Red Devils ay booska toddobaad ee UEFA Confrence League ka badbaadi doonaan.
Paul Merson ayaa qaba in Arsenal oo dhawaan guuldarro weyn kala kulantay Newcastle United ay markan xaaqi doonto Everton oo soo martiyaysa balse waxa uu sidoo kale guul ay booska afraad ee Champions League loogu soo baxo u saadaaliyay Tottenham oo u tagaysa kooxda horyaalka ugu hooseysa ee Norwich City.
Paul ayaa kulanka Liverpool qaabilayso Wolves guul u rajeeyay Reds balse waxa uu sidoo kale guul ay hanashada horyaalka ku xaqiiqsadaan siiyay Manchester City oo qaabilaysa Aston Villa.
Ugu dambayn, iyadoo ay haatan isku dhibco yihiin kooxaha Leeds United iyo Burnley ayuu Merson qabaa in Burnley oo guuldarro kala kulmi doonta Newcastle ay heerka hoose u dhaadhici doonto halka ay Leeds oo barbardhac lasoo galaysa Brentford sii joogi doonto.
Saadaasha Paul Merson Ee Premier League Toddobaadka 38-aad Oo Dhammaystiran
Crystal Palace 2-1 Man United
Arsenal 3-0 Everton
Chelsea 4-0 Watford
Leicester City 3-2 Southampton
Brentford 1-1 Leeds
Burnley 0-2 Newcastle United
Norwich 1-2 Tottenham
Brighton 2-2 West Ham
Liverpool 3-0 Wolves
Man City 2-0 Aston Villa
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora