SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League – Min Koobka Illaa Kaalmaha Afraad & Shanaad

Advertisements

Kaddib guushii ay Tottenham ka gaadhay Arsenal habeenkii Jimcuhu soo gelayay, waxa sii xoogaysatay tartanka loogu jiro kaalinta afraad ee horyaalka Premier League ee u dhexeeya labadan naadi oo ku hirdamaya midkooda usoo bixi doona Champions League.

Harry Kane ayuu ahaa xiddiga waqti horeba quusta ka dhigay Arsenal ee labada gool dhaliyey ka hor intii aanu Son Heung-min ku darin gool saddexaad, waxaanay labada kooxood u dhaxaysa dhibic kaliya.

Advertisements

Tababareyaasha labada kooxood ayaa ku jiray laba duruufood oo kala duwan, iyadoo la arkayay Mikel Arteta oo cadhaysan, isla markaana ciyaartu ku xumaatay iyo Antonio Conte oo marba u dabbaal-degaya goolasha ay kooxdiisu dhalinaysay.

Gunners ayaa hadda fadhida kaalinta afraad iyadoo haysata 66 dhibcood, halka Tottenham ay iyaduna leedahay 65 dhibcood, xilli dhamaadka xilli ciyaareedkana ay laba kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin.

Advertisements

Mikel Arteta ayay kooxdiisu labada ciyaarood ee u hadhay la ballansan tahay Everton oo ka dagaallamaysa inay heerka labaad u dhacdo iyo Newcastle United oo qaab-ciyaareed fiican kusoo jirtay illaa laga soo gaadhayay usbuucii hore oo ay Man City dersin goolal ah ka dhalisay. Tottenham ayaa iyaduna labadeeda ciyaarood ee hadhay waajihi doonta kooxaha hoose ee Norwich City oo waqti horeba dhaadhacday iyo Burnley oo dagaal badbaado ah ku jirta.

Supercomputer oo saadaal ka bixiyey horyaalka Premier League ayaa ka farxiyey Mikel Arteta, waxaanu u sheegay in kooxdiisu ay kaalinta afraad ku dhamaysan doonto, iyadoo haysata fursad 54% ah, halka Tottenham ay shanaad ku dhamaysan doonto oo fursaddeedu ay tahay 46%, sida saadaashu muujiyey.

Liverpool iyo Manchester City mar hore ayay xaqiijisteen in ay koowaad iyo labaadku dhamaysan doonaan, halka Chelsea ay yar tahay fursadda lagaga qaadi karayo kaalinta saddexaad.

Manchester City ayuu Supercomputer sheegay inay horyaalka ku guuleysanayso inkasta oo haddii laga badiyo mid ka  mid ah labada ciyaarood ee u hadhay, isla  markaana ay Liverpool goolal badan dhaliso ay soo qaban karayso.

Kooxda dhibaatada ku jirta ee Manchester United ayaa ku dhamaysan doonta lixaad, halka West Ham ay iyaduna toddobaad noqon doonto, taas  oo ka dhigan in ay Europa League iyo Conference League ka ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe.

Supercomputer waxa uu horyaalka ka saaray oo uu heerka labaad u diray Norwich iyo Watford oo waqti horeba daadegay iyo sidoo kale Leeds United inkasta oo ay wali kooxdan reer Cheshire dagaallamayso.

Saadaasha Supercomputer iyo sida uu horyaalku noqon doono maalinta ugu dambaysa xilli-ciyaareedka:

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada