SAADAAL: Argentine Oo Ku Guuleysanaya Koobka Adduunka, Liverpool Oo Premier League Looga Hadhayo, Kooxda Champions League Cidlada Ka Helaysa Iyo Saadaasha 11ka Koob Ee Waaweyn Ee Sannadkan La Ciyaarayo

Advertisements

Xilli ciyaareedakn 2022/23 waxay taageereyaasha kubadda cagtu goob-joog u ahaanayaan tartamo waaweyn oo xiise badan, waxaana u raacaya Koobka Adduunka oo saddex bilood kaddib ka bilaabmi doona waddanka Qatar.

11 koob oo waaweyn ayaa la ciyaari doonaa, waxaana sidoo kale uu noqonayaa sannad la sagootiyo ciyaartooyo waaweyn oo aan dib loogu arki doonin fagaareyaasha caalamiga ah.

Advertisements

Ciyaartoyda ay ka mid yihiin Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Robert Lewandowski, Thomas Muller, Manuel Neuer, Luis Suarez, Edinson Cavani iyo kuwo kale ayaa la filayaa inay u noqon doonto sannadkii ugu dambeeyey ee ay ciyaarayaan Koobka Adduunka, sababtoo ah dhamaantood da’dooda ayaa weynaatay, wayna adag tahay in ay afar sannadood kaddib kusoo laaban doonaan garoomada iyaga oo wali u ciyaaraya dalalkooda.

Champions League oo xilli ciyaareedkii hore ay ku guuleysatay Real Madrid ayaa  la filayaa in sannadkan uu xiise intii hore  ka badan yeesho sababtoo ah kooxaha waaweyn ayaa si adag isku diyaariyey oo sameeyey saxeexyo waaweyn, sida PSG, Man City, Liverpool, Real Madrid iyo Barcelona.

Advertisements

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, midka Spain ee LaLiga, Bundesliga, Ligue 1 iyo Serie A ayaa iyagana xamaasaddooda la filayaa inay ka sarrayso sidii hore, sababtoo ah kooxaha ku loollamaya ayaa isbeddelo sameeyey oo xiddigo cusub isku hubeeyey.

Waxa kale oo indhaha lagu hayn doonaa Europa League, FA Cup, Carabao Cup iyo xataa horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship oo kooxaha kasoo dallaca ay lacago badan helaan.

Warbaahinta GMS ee xarunteedu tahay waddanka Maraykanka ayaa saadaal ka samaysay dalka ku guuleysanaya Koobka Adduunka iyo kooxaha nasiibka u yeelanaya horyaallada iyo taratamada kale, waxaana laga farxiyey Argentine oo loo cumaamaday Koobka Adduunka, Manchester City oo Champions League la siiyey iyo Liverpool oo meel loo saaray horyaalka Premier League.

Halkan kaga bogo saadaasha 11ka koob ee waaweyn ee la ciyaarayo xilli-ciyaareedkan

1. Koobka Adduunka – Xulka Argentine

2. Champions League – Manchester City

3. Europa League – AS Roma

4. Premier League – Liverpool

5. FA Cup – Tottenham

6. League Cup/Carabao Cup – Arsenal

7. Championship – Norwich City

8. LaLiga – Barcelona

9. Bundesliga – Bayern Munich

10. Serie A – AC Milan

11. Ligue 1 – Paris Saint-Germain.

Haddaba, akhriste, adiguna saadaali kooxaha ku guuleysanaya koobabkan oo hoos noogu reeb farriintaada.

Advertisements

10 Fekradood

  1. world cup England
    champions league psg
    Europa lague United
    laliga Barcelona
    premier league City
    buduslinga Munich
    league 1 PsG
    serai A inter milano

  2. World cup brazil
    Ucl psg
    Europe league arsenal
    Premier league liverpool
    Bunduslinga bayer
    Liagu 1 psg
    Sere A ac milan
    League cup/ carabo cup arsenal
    Chamlioñship norwich city

  3. liverpool:priemer luegue
    liverpool:chmapion leugue
    psg;leugeu 1
    barcelona;lalliga
    inter millan:serei A
    world: cup:argtina
    eroupe leugeu:arsenal
    bundesliga:munich

  4. World cup Holan
    Champions league Liverpool
    Premier league Man utd
    Fa cup Man utd
    League cup Man city
    Laliga R Madrid
    Ligue1 PSG
    Serial Juventus
    Pundits league B Munich
    European league Man utd
    Championship Norwich city

    • Asc dhama tiin

      Horta dhaman sadalinta la Soo dhigay 95% waa khalad wayna cida sadalisay wax badan Aya ka khaldan

      Fikirkayga

      World cup🌎 ka Farnce

      Championka Realmadrid.

      Premier lueg Liverpool

      Liga. Real Madrid

      Ligue 1 Psg

      Seria A Ac Malin

      Bundisliga Bayer munch

      European league man untid

  5. Hhhhhhh Chelsea maxaa lasiyaya waxba loma sadalinin muruqweynata London wan arkidonaa wax dhaco Chelsea champion liga fa cup iyo dagaal culus hadaba iga qora Chelsea sanadkan koopweyn aye qadeysaa walgu yaqanaa wax kucusub mahan

  6. Anigu fikirkeygu wuxuu ii sheegey world cup England premier league Liverpool FA CUP Liverpool laliga Barcelona liga 1 lion sera a inter bundesliga RB lupzing champion Liverpool

  7. World cup: Argentina
    Champions league:Man city
    Europa league:Roma
    Premier league:man city
    FA cup: man city
    League/Carapao cup : city
    La Liga: Barcelona
    Bundesliga: Munich
    Seria A: Intermilan
    League 1: Psg

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada