Ronaldo Oo Laga Qaaday Xiddiga Garoonka, Xaqiiooyin Cajiib Ah Oo Laga Diiwaangeliyay Kulankii Old Trafford & Qiimeynta Ciyaartoyda

Advertisements

Gool soo daahay uu madaxa ku dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa keentay in Manchester United ay seddex gool ku bedesho labo gool oo ay kaga hormartay Atalanta kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa wareega group-yada Champions League oo ka dhacay Old Trafford.

Shaqada Solskjaer ayaa loo yaabanaa ka dib markii ay Atalanta 2-0 hogaanka ku qabatay qeybtii hore ee ciyaarta ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Mario Palasic iyo Merih Demiral, balse waxaa neefta ka fujiyay Marcus Rashford, Harry Maguire iyo Cristiano Ronaldo.

Advertisements

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Man Utd: De Gea (7), Wan-Bissaka (7), Lindelof (6), Maguire (7), Shaw (7), Fred (6), McTominay (7), Fernandes (8), Rashford (7), Ronaldo (8), Greenwood (7).

Bedel: Pogba (7), Cavani (6), Sancho (6), Matic (n/a).

Advertisements

Atalanta: Musso (8), Maehle (7), Palomino (8), Koopmeiners (7), Muriel (7), Freuler (6), De Roon (6), Demiral (8), Ilicic (6), Zappacosta (7), Pasalic (7).

Bedel: Lovato (5), Zapata (6), Miranchuk (6), Malinovsky (6), Pezzella (n/a).

XIDDIGA GAROONKA

Bruno Fernandes (Manchester United) Awooda uu u lahaa inuu abuuro sideed fursadood kulankaan ayaa ka dhigeysa geesigii aan loo heesin ee Manchester United. Qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa go’aansatay natiijada ciyaarta.

XAQIIQOOYINKA LAGA DIIWAANGELIYAY KULANKA

Waa markii seddexaad oo ay Manchester United badiso kulan Champions League ah oo looga hormaray labo gool ama wax ka badan, ma jirto koox kale oo sidaas sameysay tartankaan, waxayna isku mid yihiin Arsenal oo iyaduna seddex jeer sidaas sameysay.

Man United waxaa shabaqa laga soo taabtay mid kasta oo ka mid ah 12kii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda ku ciyaareen tartamada oo dhan, markii ugu danbeysay ee ay sidaan ku dhacdo waxay aheyd bishii Febraayo 1964 markaasoo ay soo martay 13 kulan isku xigta oo ay Old Trafford shabaqa ku ilaashan waayeen.

Atlanta ayaa 2-0 ku hogaamineysay ciyaarta ka dib daqiiqadii 28aad, waa kooxdii labaad ee si dhaqso ah hogaan 2-0 ku qabata iyadoo ku ciyaaresa Old Trafford tartanka Champions League. Waxaa ka horeysa kaliya Braga oo bishii October 2012 20 daqiiqo gudaheed hogaan 2-0 ku qabatay. Manchester United ayaa kulankaas sidoo kale ku badisay 3-2.

Goolkii Marcus Rashford wuxuu ahaa goolkii 300aad ee Manchester United ay dhaliso tartamada oo dhan intii uu tababare u ahaa Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo Rashford uu sidoo kale dhaliyay goolkii koowaad ee waayaha Solskjaer bishii December 2018.

Bruno Fernandes ayaa abuuray sideed fursadood kulankii xalay, waa ciyaaryahan kaliya ee Manchester United ee fursado intaas la eg abuura hal kulan oo Champions League ah tan iyo 2003-04.

DOOD WADAAG:

Solskjaer miyaa la ceyrin doonaa xilli ciyaareedkan mise wuxuu ku dhameysan doonaa isagoo ah macalinka Manchester United? Fekerkaaga nala wadaag

Advertisements

9 Fekradood

  1. Qaab ciyaareedkii wanaagsanaa iyo guushii soo laabashada ahayd ee xalay waxay xoogaa culays ah ka dajinaysaa ole balse wali waxa hadhay kulamo adag oo natiijada kasoo baxdaa ay muhim u noqon doonto joogista ama tagista solskjaer

    • Hala caydhiyo
      Malahaa tactics wax lagu badelo ama lagu guulaysto.
      Ciyaatoygu waxa ay u coyaaraan siidii xafadaha oo kale ! Hebalaw bas isii

  2. Maya maya ole waa tababare waana dareema meesha cillada kajirto tababaraha waxa lagu qiimeeya haafka danbe isbedelkisa insha allah wuu guulysan hala sugo tababaraha

  3. Ole solsgkear imaha coach u qaba man united ciyarayahanada uu haysto iyo qaab ciyaaredkala daadsan isma qanato hala eryo

  4. Hadaan fiiriyay ciyaaraha soo wajahan naadiyada ay wajahayso man united waa games culus si fudud kuma oran karo ole wuu ka baxsan ciyaarahas
    LIVERPOOL H
    TOTENHAM A
    ATLANTA A
    MAN CITY H
    Labada saamaynta weyn ku yeelanaya waa natiijada uu kala yimaado labada ciyaar ee city iyo the reds

  5. Waxaan qabaa woxoogaa in la sugo lana qiimeeyo ciyaaraha soo socda ilaa 2da ciyaar ee ugu soo horeeya halagu qiimeeyo markaa go,aan waa laga gaari karaa.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA