Ronaldo Iyo Mane Oo Hoggaaminaya, Lewy Oo Ka Maqan & Shaxda Ay Bayern Munich Doonayso Inay Yurub Ku Maamusho Sanadka Dambe

Advertisements

Bayern Munich ayaa xilli ciyaareedka dambe ee 2022/23 soo gali karta iyadoo isbedel weyn ku samaysay shaxdeeda, kooxdaas ayaa dhawaan si raaxo leh ugu soo guuleysatay horyaalkeedii tobnaad ee xidhiidh ah iyagoo sii wada inay haystaan gudaha Germany.

Laakiin inay si lama filaan ah uga hadheen Champions League xilli ciyaareedkii hore oo ay sababsadeen gacanta Villarreal ayaa ku dhigaysa inay isku dayaan inay horumar ka sameeyaan dhinaca Yurub.

Advertisements

Bayern ayaa dhinaca bixitaanka marka ay noqoto waayi karta isheeda ugu weyn ee goolasha ee Robert Lewandowski si lamid ah Serge Gnabry oo hal sano isagana heshiiskiisa kooxda ka hadhay.

Aan ku bilawnee shaxda macquulka ah ee ay Bavaria xilli ciyaareedka dambe ayuu goolka sii haysan doonaa kabtan Manuel Neuer oo aan la filayn in isaga lagula tartamo doorkaas.

Advertisements

Labada daafac dhexe ee xulashadan ayaa ah Matthijs De Ligt oo Juventus ka tirsan lalana xidhiidhinayo Bayern iyo Upamecano oo xilli ciyaareedkii labaad la bilaabanaya macalin Julian Nagelsmann.

Labada garab daafac ee shaxdan ayaa ah Benjamin Pavard iyo Ben Davies oo iyaguna doorarkooda sii haysan doona halka uu burburiyaha shaxdani yahay Joshua Kimmich oo isagu muhiimad weyn u leh hab ciyaareedka kooxda oo dhan.

Labada No.8 ee shaxdan ayaa kala ah Laimer oo isaguna RB Leipzig ka tirsan balse ay doonayso Bayern iyo da’yarka Jamal Musiala oo isaguna markale muhiim ka noqon doona shaxda Nagelsmann.

Saddexleyda afka hore ee xulashadan ayaa ah Sadio Mane oo Liverpool heshiis 35 Milyan oo pound ah ugaga soo biiray, Cristiano Ronaldo oo baxsad ka ah Man United lalana xidhiidhinayo Bayern iyo Thomas Muller oo isagu sii wadi doona inuu qayb ka ahaado weerarka kooxda.

Shaxda Oo Kooban: Neuer, Pavard, De Ligt, Upamecano, Davies, Kimmich, Laimer, Musiala, Mane, Muller, Ronaldo

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada