Real Madrid Oo Xaaladdu Ku Xun Tahay Iyo Militao Oo Galay Liiska Dhaawacyada Ka Hor Kulanka Barcelona

Militao

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayay xaaladdu ku xun tahay, waxaana sii kordhay liiska ciyaartoyda dhaawaca  ah oo uu ku biiray difaaca dhexe ee reer Brazil ee Eder Militao oo kusoo laabtay magaalada Madrid iyadoo laga soo fasaxay xulka qarankiisa.

Militao

Eder Militao ayaa la beddelay ciyaartii xulka qaranka Brazil iyo Colombia kaddib markii uu sii wadan kari waayey ciyaarta, iyadoo muruqa lugta midig uu dhaawac kasoo gaadhay, waxaana uu hadda ku sugan yahay magaalada Madrid oo ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa ku dersayaan.

Laacibkan ayaa uu shaki weyni ku jiraa kulanka Champions League ee Shakhtar Donetsk ee toddobaadka soo socda iyo ciyaarta El Clasico ee Barcelona ay toddobaadka xiga ugu tegayaan Camp Nou.

Wargeyska Globo ee kasoo baxa waddanka Brazil ayaa sheegay in dhaawaca Militao uu ka xun yahay sida la moodayo, isla markaana uu seegi doono kulamo badan, taas oo Carlo Ancelotti ku keenaysa qalalaase dhinaca difaaca ahy.

Militao ayaa waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda lama taabtaanka ah ee sida joogtada ah ugu soo bilaabmayay xilli ciyaareedkan, isla markaana badqabka ka ahaa dhaawacyada, waxaana sidiisa oo kale ahaa Thibaut Courtois, Karim Benzema iyo Federico Valverde. Afartoodan ayaa saftay dhamaan tobankii kulan ee ay Real Madric  dheeshay xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayay hore uga maqnaayeen difaacyahannada bidix ee Marcelo, Ferland Mendy iyo Dani Carvajal, waxaana dhinaca  bidix ka  ciyaari jiray Alaba ama Nacho halka  midigna uu sii buuxin jiray Lucas Vazquez, hase yeeshee David Alaba iyo Nacho ayaa hadda difaaca dhexe usoo degi doona, waxaana uu Ancelotti go’aan ka gaadhi doonaa cidda uu ka ciyaarsiinayo difaaca bidix.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA