Real Madrid Oo Markeeda Qiimo Jaban Saxeexa Neymar Loogu Bandhigay – Miyay Aqbaleen?

Advertisements

Iyadoo ay dhawaanahan soo baxayeen warar shaki badan gelinaya mustaqbalka garabka Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa haatan lala xidhiidhinataa Real Madrid.

Sida uu sheegay saxafi Jose Alvarez oo ka shaqeeya muuqbaahiyaha El Chiringuito, PSG ayaa kaliya 50 Milyan oo euro ku iibinaysa Neymar shan sano kaddib markii ay rekoodhka 222-ka Milyan ee euro ah kaga iibsadeen Barcelona.

Advertisements

Alvarez ayaa sheegay in Barcelona loosoo bandhigay saxeexa Neymar, sidoo kale haatan wargeyska Defensa Central ayaa dhinaciisa ku dooday in saxeexa Ney miiska loo saaray Real Madrid.

Barcelona ayaa isha ku haysa xaalada Neymar ee PSG iyaga oo doonaya inuu qorshaha labaad u noqdo haddii ay heli waayaan Robert Lewandowski oo bartilmaameedka koowaad u ah.

Advertisements

Dhawaan ayay ahayd markii wakiilkii hore ee Neymar ee Wagner Ribeiro uu sheegay in 30 sano jirkaas ay ka go’antahay inuu Champions League kula guuleysto Paris taas oo muujinaysa sida uu isagu u rabo inuu baaqi ugu sii ahaado gegida Parc des Princes.

Neymar ayaa xagaagii hore heshiis cusub u saxeexay PSG iyadoo qandaraaskaasi yahay mid gaadhsiisan ilaa June 2025. Agaasimaha cusub ee Paris ee Luis Campos ayaa la sheegay inuu yahay midka ku riixaya xiddigaas inuu koox cusub raadsado.

Kooxaha aadka loola xidhiidhinayo Neymar ayaa laga sheegi karaa Juventus iyo Newcastle United oo Premier League ah dhaqaale ahaana awooda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada