Real Madrid Oo Ku Dhegtay Laba Xiddig Oo Doonaya Inay Iskaga Tagaan Santiago Bernabeu

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diidday inay iibiso amaba si kale ku dirto laba ka mid ah ciyaartoydeeda oo doonayay inay iskaga tagaan Santiago Bernabeu xagaagan, kaddib markii ay u muuqatay in aanay boosas joogto ah ka  helayn safka tababare Carlo Ancelotti.

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo bilaabmaya badhtamaha bishan, ayay Los Blancos doonaysaa in aanay luminin ciyaartooyo kale maadaama ay hore uga tageen Isco, Gareth Bale, Marcelo, Borja Mayoral iyo Luka Jovic, balse haddii laga fursan waayo waxay iska dirayaan Mariano Dias, iyo Alvaro Odriozola.

Advertisements

Carlo Ancelotti oo ogsoon in xilli ciyaareedka uu dhabqin doono Koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmi doona waddanka Qatar oo ay suurtogal tahay inuu sababo dhaawacyo iyo daal, ayaa waxa uu albaabka ka xidhay labada ciyaartoy ee Dani Ceballos iyo Marco Asensio oo la sheegay inay doonayaan inay raadsadaan kooxo ay boosas joogto ah ka heli karaan, si ay uga mid noqon karaan xulka qaranka Spain ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka.

Heshiiska Marco Asensio oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay, isla markaana hore u diiday inuu qandaraas cusub saxeexo ayay Real Madrid ku khamaaraysaa, waxaanay doonaysaa in uu sii joogo xilli ciyaareedkan, iyadoo sidoo kalena rajo ka qabta in ka  hor inta aan la gaadhin bisha June uu ogolaan doono inuu saxeexo qandaraas cusub.

Advertisements

Dani Ceballos oo xilli ciyaareedkii hore inta badan ku maqnaa dhaawacyo, sidoo kalena kaydka fadhiyey, ayaa qirsan in ay adag tahay fursadda uu ka heli karayo khadka dhexe ee ay ku urursan yihiin Modric, Kroos, Casemiro, Tchouameni, Fede Valverde iyo Camavingta, waxaana uu doonayaa inuu tago koox kale, iyadoo sannadihii u dambeeyeyna uu marar kala duwan ku baxay amaah oo uu xataa usoo ciyaaray Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Carlo Ancelotti ayaa doonaya in labadan ciyaartoy ay sii joogaan kooxdiisa xilli ciyaareedkan maadaama ay suurtogal tahay in Koobka Adduunku uu wiiqo tamarta ciyaartoyda ka qayb-gelaysa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada