Real Madrid Oo Ciyaar Socotay 120 Daqiiqadood Ku Garaacday Barcelona, Una Gudubtay Finalka Spanish Super Cup

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u gudubtay finalka tartanka Spanish Super Cup, kaddib markii ay guul 3-2 ah ka gaadhay Barcelon.

Ciyaar socotay 120 daqiiqadood ayay Real Madrid saddex jeer goolal kala hormartay Barcelona oo iyaduna laba mar iska soo beddelay goolasha lagala hormaray, hase yeeshee midkii ugu dambeeyey ee saddexaad awoodi weyday inay ka daba timaaddo.

Advertisements

Vinicius Junior ayaa hoggaanka u dhiibay Real Madrid daqiiqaddii 25aad, waxaase ka daba yimid Luuk de Jong oo dhamaadka qaybta hore oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan tahay goolka barbarraha u keenay Barcelona.

Karim Benzema ayaa Real Madrid kusoo celiyey hoggaanka daqiiqaddii 72aad, hase yeeshee goolkiisu ma waarin, waxaana barbarreeyey Ansu Fati oo beddel kusoo galay, taas oo keentay in waqti dheeraad ah lagu daro ciyaarta, waxaana goolka guusha Real Madrid u dhaliyey u dhaliyey Federico Valverde daqiiqaddii 98aad, sidaas ayaanay Real Madrid ugu soo gudubtay finalka Spanish Super Cup.

Advertisements

Guusha ay Madrid gaadhay ayaa ahayd ciyaartii 100aad ee El Clasico ah ee ay ka badiso Barcelona, iyadoo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey shan mar ka adkaatay Barcelona, hal marna  ay barbarro galeen.

Los Blancos ayaa finalka waxay Axadda la ciyaari doonta Athletic Bilbao iyo Atletico Madrid midkooda soo badiya Khamiista.

Real Madrid ayaa weerar ku bilaabatay ciyaarta, waxaanay daqiiqaddii saddexaadba kubbad ay isku dhiibeen Asensio iyo Benzema la tageen laynka xerada ganaaxa ee Barcelona, waxaase goolka  ku toogtay weeraryahanka reer France oo goolka dhinac-mariyey kubadda.

Vinicius Junior ayaa weerar deg-deg ah waxa uu kaga soo galay dhinaca bidix, kaddibna waxa uu u dhiibay kubadda Marco Asensio oo meel bannaa joogay, hase yeeshee waxyar ayay kubaddu ka dallacantay.

Luuk de Jong ayaa ka jawaabay oo kubbad fooli ahayd ku qabtay isaga oo ku jira xerada ganaaxa, balse waxa hortiisa taagnaa Eder Militao oo soo difaacay.

Daqiiqaddii 19aad ayay Real Madrid ku dhowaatay inay u dabbaal-degto goolkeeda koowaad ee ciyaarta, markaas oo uu Vinicius kubbad halis ahayd u dhiibay Asensio oo isaguna lugta bidix ku hagaajistay, kaddibna goolka oo dhinaca midig ah toogtay. Nasiibka Barca ayaa shaqeeyey, waxaanay kubaddu waxyar dhinaca ka martay goolka.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!! VINCIUS!!! Da’yarka reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa hoggaanka u dhiibay Real Madrid, kaddib markii kubbad uu badhtamaha garoonka ugu soo tuuray Karim Benzema uu kala soo dheereeyey Busquets iyo Araujo, kaddibna uu lugta bidix ku dhaafiyey goolhaye Ter Stegen.

Vinicius Junior 1 200x100 1

Intaa kaddib Barcelona ayaa ciyaarta la wareegtay, waxaanay saddex jeer u dhowaaday inay shabaqa soo taabtaan Ousmane Dembele iyo Luuk de Jong, waxaana laba jeer khatar geliyey goolka Madrid weeraryahanka reer Netherlands.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! LUUK DE JONG!!! Barcelona ayaa keentay goolka barbarraha waxaana u dhaliyey Luuk de Jong oo kubbad uu soo difaacay Militao ay kusii dhacday, kaddibna ay goolka u weydaaratay goolhaye Courtois. Kubaddan waxa dhinaca bidix kasoo jabiyey Ousmane Dembele.

Xavi Hernandez ayaa qaybtii labaad soo raaciyey labada ciyaartoy ee Pedri iyo Ez Abde oo uu ku beddelay Ferran Torres iyo Frenkie de Jong, waxaanay labadan ciyaartoy lasoo galeen dardar xoogan.

Bilowgiiba Pedri ayaa u dhowaaday inuu gool u dhaliyo Barcelona iyadoo uu dhinaca midig kala soo galay kubbad uu laad awood badan ku liishaamay dhinaca goolka balse birta dhinaca ka martay.

De Jong iyo Dembele ayaa laba fursadood oo is xigay ka khasaariyey Barcelona, ka hor intii aanu Carlo Ancelotti samaynin beddel uuku keenay Rodrygo, isaga oo saaray Vinicius Junior.

Karim Benzema ayaa birta ku garaacay kubbad uu dhaafiyey goolhaye Ter Stegen,  taas oo dib usoo noqotay kaddibna difaaca ayaa iska saaray.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!! BENZEMA!!!! Real Madrid ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-1, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Karim Benzema awood badan oo uu goolka ku toogtay uu badbaadiyey Ter Stegen, taas oo u tagtay Dani Carvajal oo isaguna kusoo dhex-tuuray difaacyada iyo weerarka oo goolhayaha hortiisa taagan, waxaana lugta la tiigsaday Ter Stegen hase yeeshee waxa uu u dhiibay Benzema uu shabaqa ku hubsaday.

Goolkan ayaa noqday midkii 303aad ee uu Karim Benzema u dhaliyo Real Madrid.

Ansu Fati oo beddel kusoo galay ayaa madax ku qabtay kubbad uu Jordi Alba kasoo qaaday dhinaca bidix, waxaana iyadoo ay daawanayaan Courtois iyo difaacyada Madrid ay gashay goolka, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 2-2.

Nacho Fernandez ayaa kubbad halis ahayd ka  badbaadiyey Real Madrid ka hor intii aanu garsooruhu yeedhinin siidhiga dhamaadka 90ka daqiiqadood ee waqtiga caadiga ah ee ciyaarta.

30 daqiiqadood oo dheeraad ah ayaa lagu daray, waxaana dardar lasoo gashay Barcelona oo uu tababare Xavi Hernandez siiyey tilmaamo u sahlay inay dhawr fursadood oo helaan daqiiqadihii ugu horreeyey.

GOOOOOAAAAAAAAAAAAALLLLLL!!!!! Federico Valverde ayaa Real Madrid u dhaliyey gool qurux badan oo uu ka shaqeeyey Casemiro oo kubbad uu khadka dhexe ka jiiday dhinaca midig ugu tuuray Rodrygo oo isaguna xerada ganaaxa soo dhigay. Vinicius ayaa uga booday Valverde oo kubadda qabsaday, kaddibna shabaqa ku hubsaday.

Valverde

Thibaut Courtos ayaa laba kubbadood oo halis ahaaka badbaadiyey Busquets iyo Dembele hal daqiiqo gudaheeda. Kabtanka Barcelona ayaa kubbad hoose ku toogtay goolka, waxaana soo tufay goolhayaha reer Belgium, taas oo uu haddana helay Dembele oo laad awood badan ku toogtay goolka balse Courtois ayaa laba gacmood u dhigay oo koorne u saaray.

Qalad uu sameeyey Casemiro ayay Barcelona u dhowaatay inay ka faa’iidaysato. Ez Abdi oo kubadda uu khasaariyey laacibka reer Brazil qaatay ayaa ku toogtay goolka, waxaanay masaafo yar u jirsatay birta dhinaca midig ee Courtois.

Rodrygo ayaa dhamaadkii ciyaarta khasaariyey gool madhan oo uu kasoo baxay Ter Stegen halka Ansu Fati uu Barcelona u dhaweeyey inay keenaan goolka barbarraha.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Real Madrid oo u gudubtay finalka Spanish Super Cup.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada