RASMI: Xulka Qaranka Portugal Oo Lasoo Saaray, Xiddiga Man United Oo Dhamaantood Lagu Soo Daray Iyo Diogo Jota & Ruben Dias Oo Laga Reebay

pORTUGAL
Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Portugal ee kulamada tartanka UEFA Nations League ee bisha June.

37jirkan oo dhaawac ku seegay ciyaartii ugu dambaysay Manchester United ee ay kusoo xidhatay Premier League oo ay Crystal Palace 1-0 ku garaacday, ayaa waxa uu  diyaar u noqon doonaa kulamada adag ee afarta ah ee dalkiisa sugaya.

Advertisements

Tababare Fernando Santos ayaa soo xushay shax adag oo uu doonayo inay isla sii qabsadaan si ay Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qabanayo waddanka Qatar ugu tagaan qaab fiican, kaas oo ma horeba  ay iska xaadiriyeen, ogaadeenna group-kooda.

Portugal ayaa waajihi doona xulka qaranka Spain marka ay taariikhdu tahay June 2, waana kulan ka tirsan UEFA Nations League ka, waxaana ugu xigaysa Switzerland oo laba jeer ah iyo Cezh Republic iyadoo kulanka ugu dambeeyana uu dhici doono June 12.

Advertisements

Ronaldo oo 34 gool u dhaliyey Manchester United 38 ciyaarood oo uu u saftay xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2021-22, kuna darsaday saddex caawimood, ayaa waxa uu rajaynayaa in uu sii dheeraysto rikoodhkiisa kulamada caalamiga ah isaga oo 115 gool u dhaliyey xulka qarankiisa 186 ciyaaarood oo uu saftay.

Waxa kale oo xulka lagu soo daray xiddigaha RB Leipzig iyo AC MIlan ee Andre Silva iyo Rafael Leao, halka sidoo kale xulka looga yeedhay Ricardo Horta oo ka tirsan kooxda Braga.

Saddexda ciyaartoy ee isku kooxda ah ee ka Jose Sa, Ruben Neves iyo Joao Moutinho oo u wada ciyaara Wolves ayaa iyagana lagu soo daray xulka, waxaana ku wehelinaya Joao Cancelo iyo Bernardo Silva oo Manchester City ah, hase yeeshee waxa laga tegay Ruben Dias oo dhaawacyo ku seegay kulamadii ugu dambeeyey ee kooxdiisa.

Bruno Fernandes iyo saaxiibkiisa ManchesterUnited ee Diogo Dalot ayaa iyagana loo yeedhay, hase yeeshee waxa uu Santos go’aansaday inuu ka tago ciyaaryahannada dheelaya finalka Champions League, sida Diogo Jota.

Xulka qaranka Portugal ee uu soo xushay Santos

Goolhayeyaal: Diogo Costa (Porto), Rui Patricio (Roma), Jose Sa (Wolves)

Difaacyahanno: Joao Cancelo (Manchester City), Diogo Dalot (Manchester United), Pepe (Porto), Nuno Mendes (Paris Saint-Germain), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund), David Carmo (Braga), Domingos Duarte (Granada), Danilo Pereira (Paris Saint-Germain)

Khadka dhexe: Ruben Neves (Wolves), Bruno Fernandes (Manchester United), Joao Moutinho (Wolves), Joao Palhinha (Sporting Lisbon), William Carvalho (Real Betis), Bernardo Silva (Manchester City), Matheus Nunes (Sporting Lisbon), Vitinha (Porto)

Weerarka: Andre Silva (RB Leipzig), Cristiano Ronaldo (Manchester United), Otavio Monteiro (Porto), Goncalo Guedes (Valencia), Ricardo Horta (Braga), Rafael Leao (AC Milan)

Advertisements

1 Fekrad

  1. Gaalka xitaa afaaro qabiil uu wax ku kala xulaa, iyaaa !!, reer Manchester bal meel ha gaarisiiyaan Portugal nijaasta 🥺

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada