RASMI: Xiddigaha Xulka England Oo La Soo Saaray, Labo Laacib Oo Markii Ugu Horeysay Loo Yeeray & Kabtanka Liverpool Oo Laga Soo Tagay

Advertisements

Gareth Southgate ayaa markii ugu horeysay xulka England ugu soo yeeray Jarrod Bowen iyo James Justing iyadoo England ay isku diyaarineyso kulamada Nations League ee ay la ciyaarayaan Italy iyo Germany iyo sidoo kale xulka Hungary.

Southgate ayaa u soo yeeray weeraryahanka West Ham Bowen oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 18 gool islamarkaana sameeyay 13 caawin 51 kulan uu saftay tartamada oo dhan.

Advertisements

Wuxuu sidoo kale u soo yeeray daafaca bidix ee Leicester City James Justin kaasoo sidoo kale ka ciyaari kara garabka midig, madaama ay maqan yihiin Luke Shaw, Ben Chilwell iyo Tyrick Mitchel.

Goolhayayaasha Jordan Pickford, Aaron Ramsdale iyo Nick Pope ayaa loo soo yeeray iyadoo laga soo tagay Fraser Forster iyo Dean Henderson,

Advertisements

Fikayo Tomori ayaa si u qalmo dib loogu soo yeeray xulka ka dib markii uu AC Milan ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka Serie A markii ugu horeysay tan iyo 2011.

Saaxiibkiisii hore ee Chelsea Marc Guehi ayaa isna ceshaday booskiisa ka dib markii uu wacdarro u dhigay Crystal Palace sannadkan.

Inkastoo uu qaab ciyaareed liita ku jiro kabtanka Man United Harry Maguire ayaa lagu soo daray xulka England halka sidoo kale daafac dhexe looga soo yeeray Ben White, Conor Coady iyo John Stones laakiin waxaa laga soo tagay daafaca Aston Villa Tyrone Mings.

Waxaa isna boos loo waayay xiddiga Tottenham Eric Dier oo wacdarro u dhigayay Tottenham tan iyo markii uu yimid Antonio Conte. Dier waxaa ugu danbeysay inuu dalkiisa u dheelo sannadkii 2020.

Southgate ayaa sidoo kale soo uruursaday daafacyo midig oo badan isagoo u soo yeeray Kyle Walker, Trent Alexander-Arnold, Reece James iyo Kieran Trippier.

Jude Bellingham, Conor Gallagher, Mason Mount, Kalvin Phillips, Declan Rice iyo James Ward-Prowse ayaa khadka dhexe loo magacaabay.

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson iyo xiddiga Arsenal Emile Smith Rowe ayaa laga soo tagay.

Southgate ayaa sheegay in sababta uu Henderson uga soo tagay ay tahay inuu nasasiiyo madaama uu kulamo badan u ciyaaray Reds xilli ciyaareedkan.

Afka hore ee weerarka waxaa hogaaminaya kabtan Harry Kane iyadoo Tammy Abraham uu booska kula tartamayo.

Waxaa iyagana weerarka looga soo yeeray Bowen, Bukayo Saka, Raheem Sterling, Phil Foden iyo Jack Grealish.

Madaama ay qaab ciyaareed xun ku jiraan xiddigaha Man United Marcus Rashford iyo Jadon Sancho ayaa laga soo tagay.

Advertisements

Here is the full list of Southgate's 27-man squad for the upcoming Nations League matches

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada