RASMI: Xavi Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Ciyaarta Koobka Ah Ee Axadda

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartoydeeda kulanka habeen dambe ay koobka Gamper la ciyaari doonaan Pumas UNAM oo ah naadigii uu dhowaanta u wareegay Dani Alves kaddib markii uu ka tegay Camp Nou oo uu waliba dhalliilo ugu sii jeediyey maamulka Barca oo uu ku tilmaamay kuwo si aan fiicnayn ula dhaqma ciyaartoyda guulaha ku hoggaamiyey.

Iyadoo bilowga horyaalka Spain ee LaLiga uu toddobaad kali ahi ka hadhsan yahay, isla markaana ay ku furan doonaan Rayo Vallecano, ayay Barcelona ciyaari doontaa Gamper Cup oo ay Axadda  berri ku martigelin doontaa kooxda reer Mexico ee Puma oo dhowaan la saxeexatay Dani Alves.

Advertisements

Xavi Hernandes ayaa soo saaray liiska 31 ciyaartoy oo kulankaas uu u xushay, waxaana ku jira dhamaan lixda saxeex ee cusub ee xagaagan ay sameeyeen ee Robert Lewandowski, Franck Kessie, Jules Kounde, Raphinha, Andreas Christensen iyo Pablo Torre.

Labada ciayartoy ee la filayo inay ka tagaan Barcelona ee Samuel Umtiti iyo Martin Braithwaite ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulankan, hase yeeshee waxa laaga reebay goolhaye Neto oo qarka u saaran in uu u wareego kooxda horyaalka Premier League usoo dallacday ee AFC Bournemouth.

Advertisements

Alex Collado oo isagana la filayo in amaah lagu diro ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Barcelona, waxaanay u badan tahay in uu kusoo bilaaban doono kursiga kaydka, sida ay warbaahinta Spain sheegtay.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee ciyaarta koobka ah ee Puma ee habeen dambe oo Axad ah:

Goolhayeyaal: ter Stegen, Inaki Pena, Tenas
Difaacyahanno: Dest, Roberto, Kounde, Araujo, Christensen, Pique, Garcia, Umtiti, Alba, Balde
Khadka dhexe: Busquets, Pjanic, Pedri, Nico, de Jong, Kessie, Gavi, Collado, Torre
Weerarka: Dembele, Raphinha, Lewandowski, Aubameyang, Memphis, Braithwaite, Torres, Fati, Abde

Advertisements

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada