RASMI: UEFA Oo Magacowday Garsooraha Kulanka UEFA Super Cup Ee Real Madrid vs Eintracht Frankfurt

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona ciyaarta koobka ah ee UEFA Super Cup ee Real Madrid iyo Eintracht Frankfurt oo Arbacada toddobaadka dambe ka qabsoomi doonta magaalada Helsink ee waddanka Finland.

Real Madrid oo kusoo guuleysatay Champions League ayaa koob ku furan karta xilli ciyaareedka cusub, halka Eintracht Frankfurt ay iyaduna raadinayso inay guul kale ka keento fagaareyaasha Yurub kaddib hanashadii Europa League ee xilli ciyaareedkii tegay.

Advertisements

Garsooraha Ingiriiska ah ee Michael Olivier ayaa loo doortay inuu noqdo dhexdhexaadiyaha gudaha garoonka ee ciyaarta UEFA Super Cup ee Real Madrid iyo Eintracht Frankfurt oo martigelintiisa loo doortay garoonka quruxda badan ee Helsink Olympic Stadium.

Ciyaartan oo dhacaysa August 10, ayaa waxay Michael Olivier noqonaysaa markii lbaad ee uu qabto kulan ay kooxda reer Spain ee Real Madrid ciyaarayso oo tartamada Yurub ah, waxaana  markii hore ee uu garsoorahani uu kasoo muuqday kulan ay Los Blancos ciyaarayso ay ahayd xilli ciyaareedkii 2017/18 oo uu dhexdhexaadiyey lugta labaad ee wareeggii siddeedda Champions League ee Juventus ay ku karbaasheen.

Advertisements
Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada