Thomas Tuchel ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka koowaad ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka 2022-23 oo ay caawa safar ugu tegayaan Everton oo xilli ciyaareedkii hore guul-daro usoo xambaarisay kulan uu tababare Frank Lampard kaga badbaaday inay heerka labaad u dhacaan.
Saxeexa cusub ee Marc Cucurella ayaa ka mid noqday liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulankan kaddib markii loo diiwaangeliyey maalin ka hor, waxaana uu Tuchel go’aan ka gaadhi doonaa haddii uu kusoo bilaabayo iyo in uu kursiga kaydka dhigi doono.
Bluesz oo sidoo kale raadinaysa difaaca reer France ee Wesley Fofana oo ay qasnddooda u jabinayaan, ayaa waxa uu Tuchel liiskiisa kusoo diray oo ula safray Merseyside ciyaartoyda loo badinayo in la iibinayo amaba si kale looga dirayo Stamford Bridge ee Hakim Ziyech, Timo Werner, Kepa Arrizabalaga. Waxa kale oo liiska ku jira balse aan la hubin in uu ka mid noqon doono ciyaartoyda xulashada ugu dambaysa uu Tuchel u samaynayo difaaca bidix ee reer Spain ee Marcos Alonso oo la sheegay in uu kusii jeedo Barcelona oo uu heshiis la galay.
Lix ciyaartoy oo aan la siinin lambarro ay xidhaan ayaa laga reebay liiska Chelsea ee maanta, waana Ethan Ampadu, Batshuayi, Barkley, Billy Gilmour iyo Kennedy oo dhamaantood la filayo in kooxda laga diro xagaagan.
Thomas Tuchel ayaa kulankan kusoo bilaabi doona saxeexyada cusub ee Kalidou Koulibaly iyo Raheem Sterling oo hoggaaminaya liiska ciyaartoyda Blues ee u safray Merseyside, waxaana sidoo kale ku jira Conor Gallagher oo rajaynaya in uu khadka dhexe kusoo bilowdo.
Liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulanka Everton ee caawa
Goolhayeyaal: Edouard Mendy, Kepa Arrizabalaga, Marcus Bettinelli
Difaaca: Marcos Alonso, Thiago Silva, Trevoh Chalobah, Kalidou Koulibaly, Cesar Azpilicueta, Ben Chilwell, Reece James, Baba Rahman, Emerson Palmieri, Malang Sarr, Ethan Ampadu, Marc Cucurella
Khadka Dhexe: Jorginho, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Mason Mount, Conor Gallagher, Kenedy, Billy Gilmour, Ruben Loftus-Cheek, Ross Barkley, Carney Chukwuemeka
Weerarka: Christian Pulisic, Raheem Sterling, Hakim Ziyech, Kai Havertz, Timo Werner, Callum Hudson-Odoi, Armando Broja, Michy Batshuayi
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora