RASMI: Sevilla Oo Shaacisay Saxeexeedii Koowaad Ee Suuqa January

Advertisements

Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa ku dhawaaqday saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda bisha January, kaas oo qalinka ku duugay ka hor kulanka Copa del Rey derbey ee Real Betis.

Los Nervionenses ayaa maanta dhamaystirtay heshiiska Jesus Corona oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Portugal ee FC Porto, waxaana uu Julen Lopetegui ka caawin doonaa afka  hore ee weerarka.

Advertisements

Sevilla ayaa intii uu suuqu furnaa waxay ku mashquulsanayd raadinta ciyaartoy afka hore ah oo u buuxiya boosaska Erik Lamela oo dhaawac muddo dheer ah loo diray iyo Youssef Eng-Nesyri oo kaga maqan koobka qaramada Afrika.

Lopetegui ayaa waxa sidoo kale ay dhibaato ka  haysataa difaaca midig oo uu ka daalaa-dhacayo Jesus Navas oo la dhibaatoonaya dhaawacyo.

Advertisements

Jesus Corona ayaa ayaa ka ciyaari kara garab weerarka midig illaa difaac midig ah, waxaanay Sevilla kaga soo iibsatay FC Porto lacag gaadhaysa €3 milyan oo Euro.

29 jirkan ayaa soo afjaray waayihiisa FC Porto oo uu u ciyaarayay tan iyo sannadkii 2015, waxaana uu hadda qalinka ku duugay qandaraas soconaya illaa sannadka 2025.

Sevilla ayaa si degdeg ah ugu gudbin doona heshiiskan xidhiidhka kubadda cagta Spain iyo maamulka LaLiga si loogu diiwaangeliyo oo uu qayb uga noqdo kulanka Copa del Rey ee Sabtid berri ay la ciyaari doonaan Real Betis oo ay isku magaalo ka dhisan yihiin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada