RASMI: Mikel Arteta Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka Caawa Ee Crystal Palace

Advertisements

Mikel Arteta ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda uu Jimcaha maanta ah la tegay garoonka Selhurst Park ee ay caawa ku ballansan yihiin Crystal Palace kulanka furitaanka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub ee 2022/23.

Xiddigaha Arsenal ee Mikel Arteta uu soo saaray ayay ka muuqdaan wajiyo badan oo ay taageereyaashu sugayaan in ay garoonka kasoo muuqdaan caawa, waxaana uu Arteta shalay sii sheegay in ay niyad-samaan badan ku qabaan saxeexyada cusub iyo ciyaartoyda hore usii joogtay oo ay rajaynayaan in ay bandhig fiican muujiyaan caawa.

Advertisements

Shanta ciyaartoy ee xagaagan yimid Emirates Stadium ee Gabriel Jesus, Marquinhos, Fabio Vieira, Oleksandr Zinchenko iyo Matt Turner ayaa dhamaantood lagu soo daray liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka caawa, laakiin xulashadooda ayaa waqti dambe go’aan laga gaadhi doonaa.

Emile Smith Rowe oo dhaawac muruqa ahuu soo gaadhay ayaa uu shaki ku jiraa in uu ciyaari doono inkasta oo uu kusoo baxay liiska kooxda ee uu soo saaray Arteta oo warbaahinta Ingiriisku ay daabacday, waxaana sidoo kale ku jira kabtanka cusub ee Martin Odegaard oo kulankiisii koowaad ee Premier League ah kasoo muuqan doona isaga oo ah kabtanka Arsenal.

Advertisements

Liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka caawa ee Crystal Palace oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, Matt Turner, Runar Alex Runarsson

Difaaca: Ben White, Gabriel Magalhaes, Rob Holding, Cedric Soares, Takehiro Tomiyasu, William Saliba, Oleksandr Zinchenko, Kieran Tierney, Hector Bellerin, Pablo Mari

Khadka dhexe: Granit Xhaka, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Albert Sambi Lokonga, Martin Odegaard, Emile Smith Rowe (shaki ayaa ku jira inuu ciyaari doono), Ainsley Maitland-Niles, Fabio Vieira, Lucas Torreira

Weerarka: Bukayo Saka, Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli, Nicolas Pepe, Eddie Nketiah, Marquinhos, Reiss Nelson

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada